SOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRO: Xulka Gobolka Banaadir oo guul soo laabasho ah ka gaaray Galmudug.

Xulka kubadda cagta Gobolka Banaadir ayaa guul soo laabasho ah ka gaartay dhiggiisa Galmudug kulan qeyb ka ahaa tartanka Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Kulankan oo ka dhacay garoonka Stadium Muqdisho ayaa Galmudug oo gool la horreysay laga daba yimid oo loo saaray ciyaarta ayaana ku soo dhammaaday 2-1.

Ciyaarta oo ah mid adag oo weerar iyo weerar celis ah ayaa qaybta hore oo dhammaad ku dhow waxaa labadii daqiiqo lagu kordhiyey kulanka, waxaa goolka hore la yimid xulka Galmudug.

Karoos uu dhinac ka soo laaday Diini Maxamed, waxaa madax la helay oo shabaqa dhex dhigay Ayuub No 14, sidaas ayaana lagu kala nastay 1-0 lagu hoggaaminayay xulka Gobolka Banaadir.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta xulka kubadda cagta G.Banaadir ayaa dardar aan lagu arkin qeybtii hore ee ciyaarta garoonka la soo galay, waxaana baas dheer oo uu soo dusiyay Cali Cuud ka faa’iideystay oo si xirfadlenimo ah u dhammaystiray No 11 C.casiis Maxamed Cabdi, kaasoo beddel ku soo galay ciyaarta kulankana ku soo celiyey garbo siman 1-1 daqiiqaddii 55-aad.

Goolkaas barbaraha waxaa xigay mid kale oo dhaqsiyo badnaa, waxaana weerar dabamareyn ah oo ay soo qaadeen xiddigaha Banaadir dhammaystiray No 8 Bashiir kulanka ayaa dhanka kale isku rogay oo Galmudug ayaa lagu hoggaamiyay 2-1 daqiiqaddii 57-aad.

Laad xor ah oo uu soo tuuray Ciyaaryahan Ashraf ayay Galmudug kulanka uga dhigi gaartay barbaro 2-2 ah, balse ma dhicin oo bannaanka u saaray Goolhayaha G.Banaadir ee Karaama.

Markale weerar rogaal celis ah oo ay heleen wiilasha G.Banaadir oo kulanka natiijadiisa ku dili lahaayeen, waxaa ka lumiyey No 7 Khaalid oo goolhayaha Galmudug ayaa qabtay, kulanka ayaana waqtigii loogu talo galay ku soo idlaaday 2-1 soo laabasho ah oo looga adkaaday xulka Galmudug.

Goos-Gooska kulanka G.Banaadir 2-1 Galmudug

SAWIRRO:

May be an image of 3 people, people playing football, people playing soccer and text

May be an image of 4 people, people playing football, people playing soccer and text that says 'င ASTAAN SPORTS'

May be an image of 3 people, people playing soccer, crowd and text

May be an image of 6 people, people playing soccer, people playing football and text

May be an image of 4 people, people playing soccer, people playing football and text

May be an image of 7 people, people playing football, people playing soccer and text

May be an image of 2 people, people playing football, people playing soccer and text

May be an image of 3 people, people playing football, people playing soccer and text

May be an image of 4 people, people playing football, people playing soccer and text

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button