SOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Maxaa laga diiwaan galiyey guushii xulka Jubbaland ay ka gaareen Hirshabeelle?

Xulka kubadda cagta Jubbaland ayaa guushoodii ugu horreysay gaaray tartanka maamul goboleedyada kaddib markii ay 2-0 uga adkaadeen dhiggooda Hirshabeelle.

Goolka koowaad ee xulka Jubbaland ayaa yimid 22’daqiiqo qeybtii hore ee ciyaarta kaddib markii kubbad la soo karoosay oo madax lagu dhuftay ay ku dhacday Goolhayaha Shirshabelle, balse uu dhammaystiray ciyaaryahan No 14 Maxamed Cabdi.

Dhammaadkii qeybtii hore ee ciyaarta ay xulka Jubbaland la yimaadeen goolka labaad ee ciyaarta, waxaana u dhaliyey 45’daqiiqo No 7 Weli Axmed kaddib caawin uu ka helay dhaliyaha goolkii koowaad ee No 14 Maxamed Cabdi, waxaana ciyaarta lagu kala nastay 2-0 lagu hoggaaminayay xulka Shirshabeelle.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta inkastoo fursad goolal loo filan karay ay labada kooxood sameeyaan haddana shabaqa lama gaarin kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-0 ay ku adkaadeen xulka Jubbaland.

Haddab maxaa laga diiwaan geliyey guushaas ay xulka Jubbaland ka gaareen Hirshabeelle?

Jubbaland waa guushooda koowaad ee sanadkan ay gaaraan tartanka 3 kulan oo ay ciyaareen.

Jubbaland waana kooxda koowaad ee qeybta hore ee ciyaarta goolasha ugu badan dhalisay, 3 kulan oo ay ciyaareen waxay dhaliyeen shan gool, shantaas gool qeybta koowaad ayey wada dhaliyeen.

Sidoo kale Jubbaland waa kooxdii labaad ee aan shabaqeeda la gaarin tartanka, sanadkan hore xulka Banaadir ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay ciyaar ay la ciyaartay xulka Koonfur Galbeed.

Macallin C.qaadir Boo oo ah tababaraha Jubbaland ayaa guul gaaray kulankiisii koowaad ee sanadkan tartanka hadda socda. 

Tababare Boo waa Macallin qibrad leh, Jubbaland saddex tartan ayuu horay kala soo muuqday, markan waa markiisa afaraad labo ka mid ah marna koob kula guuleystay isagoo macallinka labaad ah, marna Final ayuu tagay isagoo Macallin koowaad ah, halka markii ugu dambeysayna ay ka hareen tartanka.

Jubbaland kulanka kaliya ee u harsan waxay la ciyaari doonaan Xulka G.Banaadir oo ah difaacadayaasha Tartanka.

Xulka Jubbaland waxaa kaloo diiwaanka u galay kaarkii ugu horreeyey ee casaan ah oo laga siiyey ciyaarayahankooda Ciise Cabdullaahi oo difaac ah.

SAWIRRO:

May be an image of 2 people, people playing soccer and text

May be an image of 4 people, people playing football, people playing soccer and text

May be an image of 2 people, people playing soccer, people playing football and text

May be an image of 3 people, people playing soccer and text

May be an image of 5 people, people playing soccer, people playing football and text

May be an image of 7 people, people playing soccer, crowd and text

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button