WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Ciyaartoyda xulka Koonfur Galbeed oo maanta ku laabtay magaalada Baydhabo.

Xulka kubbadda cagta Koofur Galbeed ayaa isaga baxay tartanka kubbadda cagta maamul goboleedyada & gobolka banaadir, kaddib markii lagu weeraray bas ay saarnaayeen ciyaartoyda habeenkii Jimcaha xilli ay ku sii jeedeen Hoteelka ay ka dagan yihiin magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah ciyaartoyda Koofur Galbeed waxaa weerarkaasi ka soo gaaray dhaawacyo kala duwan lama ogo cidda ka dambeysay weerarkaasi.

Wareysi uu bixiyay wasiirka dhallinyarada & ciyaaraha Koofur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney gabi ahaan ay ka baxeen tartanka maamul goboleedyada & gobolka banaadir wasiirka ayaa intaasi kudaray in cidda weerarka ku soo qaaday ay ahaayeen taageerayaasha xulka Galmudug.

Saaka oo Axad ah ayay ka safreen garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeedo magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale iyo Agaasimaha hay’adda Nisa Mahad Salaad ayaa shalay ku booqday xulka Koofur Galbeed Hoteelka ay ka daganaayeen magaalada Muqdisho iyagoo ka raali geliyay dhibaatada soo gaartay kana codsaday iney ciyaareen tartanka hase yeeshee Koofur Galbeed wey diideen iney ciyaaraan kulankooda ugu dambeeyay ay la kulmi lahaayeen xulka Hirshabeelle.

Dhanka macalinka xulka Galmudug Axmed Tahliil oo la hadlay Astaan Sports ayaa sheegay ineysan wax lug ah ku laheyn taageerayaasha Galmudug baskii lagu weeraray ciyaartoyda Koofur Galbeed.

Si kastab waa markii labaad ee la kulmeyn xulka Koofur Galbeed weerar sidaan oo kale ah waxay ahay sanadkii 2020-ka markii sidan oo kale loo tuuryeeyay xulka Koofur Galbeed inkasto aysan ka bixin tartanka xilligaasi.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button