WARARKA MAANTA
Kooxda Kubbadda gacanta Gifts Stars oo codsi u dirtay xiriirka kubbadda gacanta Soomaaliya

Kooxda Kubbadda gacanta Gifts Stars ayaa sheegtay in aysan ka qayb-gali doonin horyaalka kubbadda Gacanta xilli ciyaareedka 2023/2024.
War qoraal oo ka soo baxay maamulka kooxda Kubbadda gacanta Gifts Stars oo nuqul ka mid ah soo gaaray Astaan Sports ayay kooxda ku xaqiijisay in aysan u diyaarsaneyn farsamo ahaan ka qayb-galka horyaalka kubbaadda Gacanta Soomaaliya xilli ciyaareedka 2023/24.
Qoraalka ka soo baxay maamulka kooxda Gifts Stars waxay kaga codsadeen xiriirka kubbadda gacanta Soomaaliya iney ka aqbalaan codsigooda waxaana ay intaa ku dareen in ay u diyaar garoowi doonaan horyaalka xiga ee kubbadda gacanta.
Hoos ka eeg qoraalka ka soo baxay kooxda Gifts Stars.
