Gobolka Banaadir & Jubbaland oo maanta wada ciyaari doono.
Xulalka kala ah Banaadir & Jubbaland ayaa galabta wada ciyaari doono kulan ka tirsan tartanka kubbadda cagta maamul goleedyada & gobolka banaadir.
Tartanka kubbadda cagta maamul goboleedyada & gobolka banaadir ayaa hakad ku jiray maalmihii u dambeyeey kaddib markii xulka Koofur galbeed ay diideen iney ciyaaraan kulankii u harsanaa tartanka ay la balansanaayeen xulka Hirshabeelle.
Diidmada xulka Koofur galbeed ayaa timid kaddib markii taageerayaal careysan ay ku weerareen bas ay saarnaayeen ciyaartoyda Koofur galbeed kaddib kulankii ay guuldarrada kala kulmeyn xulka Galmudug, wasiirka ciyaaraha Koofur galbeed ayaa sheegay iney ka baxeen tartanka kubbadda maamul goboleedyada & gobolka banaadir kaddib weerarkaasi waxayna dib ugu laabteen magaalada Baydhabo.
Maalin kaddib Xubno ka socday Maamulka Gobolka Banaadir, Wasaaradda Dhallinyarada & Ciyaaraha Dowlada Soomaaliya iyo XKCS, ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay si ay u soo celiyaan xulka Koofur galbeed hase yeeshee way diideen iney dib u ciyaaraaan tartanka maamul goboleedyada & gobolka banaadir.
War saxaafadeed ay soo saareen xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya shalay ayaa lagu sheegay in dhibcihii laga qaaday xulka Koofur galbeed waxaana saddex dhibcood iyo saddex gool loo diiwaangaliyay xulka Hirshabeelle.
Natiijada ciyaarta galabta ee u dhexeyso Banaadir iyo Jubbaland ayaa go’aamin doonto sida ay isku beegmi doonaan afarta xul ee iskugu soo haray wareegga afar dhammaadka tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir.