Waa kuwee xulalka soo gaaray afar dhammaadka tartanka Maamul Goboledyada.
Waa kuwee xulalka soo gaaray afar dhammaadka tartanka Maamul Goboledyada & Gobolka Banaadir.
Waxaa soo dhammaaday is aragii wareegga koowaad ee tartanka waxaana soo gudbay xulalka kala ah Banaadir, Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland.
Xulalka ayaa iskugu beegmay Hirshabeelle V Jubbaladn halka Galmudug iyo Banaadir ay isku aadeen wareegga afar dhammaadka tartanka maamul goboleedyada & gobolka banaadir.
Haddaba aan dib u eegno xulalka soo gaaray wareegga afar dhammaadka tartanka kubbadda cagta maamul goboleedyada & gobolka banaadir.
Banaadir ayaa ah kooxda ugu badan ee soo gaartay wareegga afar dhammaadka tan iyo 2016-kii waxay soo gaareen illaa 4-jeer.
Sanadkii 2016
Sanadki 2017
Sanadki 2020
iyo 2023-2024
Jubbalan waa kooxda labaad waxay wareegga afar dhammaadka waxayna soo gaartay 3-jeer.
Sanadkii 2016
Sanadkii 2017
iyo 2023-2024
Puntland oo tartanka sanadkan ka maqan ayaa 3-jeer soo gaartay afar dhammaadka tartanka.
Sanadkii 2016
Sanadkii 2017
Sanadkii 2020
Galmudug waa kooxda saddexaad waxay afar dhammaadka soo gaartay markooda labaad.
Sanadkii 2020 & 2023-2024.
Ciyaaraha afar dhammaadka ayaa la kala ciyaari doonaa berri oo Talaado ah iyo maalinta Arbacada halka fiinaalka tartanka la soo gabagabeen doono maalinta Axada sida ku cad jadwalka tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka banaadir.
Koonfur Galbeed ayaa soo gaartay labo jeer waana Sanadkii 2017 & Sanadkii 2020
Hirshabeele waligeeda Sami final ma soo gaarin tartanka tan iyo 2016 sanadkan ayaa ugu horreyso
Banaadir 4-jeer
Jubbaland 3-jeer
Puntland 3-jeer
Galmudug 2-jeer
Koonfur Glbeed 2-jeer
Hirshabeelle ayaa soo gaartay hal Jeer.