WARARKA MAANTA

Kulan ka tirsan wareegga 4-dhammaadka tartanka Maamul Goboleedyada oo la ciyaari doono

Xulalka kala ah Hirshabeelle & Jubbaland ayaa maanta wada ciyaari doono kulan ka tirsan wareegga afar dhammaadka tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedya iyo gobolka banaadir.

Labada xul ayaa ka mid ah afarta xul ee u soo gudbay wareegga afar dhammaadka tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedya iyo gobolka banaadir xulkii galabta laga adkaado wuxuu macsalaameyn doonaa tartanka.

Xulka Jubbaland ayaa soo garay wareegga afar dhammaadka markii saddexaad halka Hirshabeelle markii ugu horreysay ay soo gaartay wareegga afar dhammaadka tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedya iyo gobolka banaadir.

Labada xul ayaa ku haray markii ugu dambeysay ee la qabtay tartanka Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir, sannadkii 2020-kii, labada xul ayaa ku jiro diyaar garowkii ugu dambeeyay ka hor kulanka galabta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button