WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Xulka Hirshabeelle oo iska xaadiriyay fiinaalka tartanka Maamul Goboleedyada & G.Banaadir

Xulka kubbadda cagta Hirshabeelle ayaa gaaray fiinaalka tartanka kubbadda cagta maamul goboleedyada & gobolka banaadir markii ugu horreysay kaddib markii ay gool-kulaadyo kaga adkaadeen xulka Jubbaland wareegga afar dhammaadka tartanka.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan labada dhinac waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed awood ahaan garbo siman, inkastoo ay jireen fursado ay abuureen labada dhinac kuwaasi oo noqon gool taas oo keentay in lagu kala baxo 0-0, 90-ka daqiiqo ee ciyaarta.

Garsoore Cabdullaahi Xaaji oo ahaa garsooraha dhexe ee kualnkan ayaa bixiyay saddex kaar oo kaararka digniinta waxaana labo ka mid ah la siiyay xiddigaha Jubbalan ciyaartoyda kala ah lambarka 17-aad Bakar Shufale Yuusuf daqiiqdii 68-aad, iyo lambarka 6-aad Maxamuud Cabdiraxiin Maxamed  daqiiqdii 68-aad ee ciyaarta halka Hirshabeelle la siiyay kaliya ciyaaryahanka lambarka 10-aad  Jaabir Shiiq Cali Cabdulle daqiiqdii 68-aad ee kulanka.

Ugu dambeyntii labada xul ayaa lagu kala saaray gool-kulaadyo waxaana 5-4 ku adkaatay xulka Hirshabeelle oo markii ugu horreysay taariikhda iska xaadirisay fiinaalka tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir iyagoo sugi doono midkood xulalka kala ah Gobolka Banaadir iyo Galmudug oo maanta wada ciyaari dooono ciyaar ka tirsan wareegga afar dhammaadka tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button