WARARKA MAANTA

Yaa guulo badan Banaadir & Galmudug  oo maanta wada ciyaari doono?

Waxaa galabta wada ciyaari doono kulan ka tirsan wareegga afar dhammaadka tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir xulalka kala ah Galmudug & Banaadir.

Labada xul oo ka mid ah xulalka ugu adag tartanka ayaa midkood galbata u gudbi doono fiinaalka tartanka kubbadda cagta maamul goboleedya & gobolka Banaadir.

Haddaba si aad wax badan ugu ogaato xogta kulankan waxaan bogga Astaansports.com idinkugu soo gudbineynaa kulamada ay horey u soo ciyaareen iyo inta jeer ay soo gaareen wareegga afar dhammaadka tartanka kubbadda cagta maamul goboleedyada & gobolka banaadir xulalka kala ah Banaadir iyo Galmudug.

Aan ku horreeno xulka Gobolka Banaadir

 Xulka Gobolka Banaadir ayaa ah kooxda tirada ugu badan soo gaartay wareegga afar dhammaadka tartanka kubbadda cagta maamul goboleedyada & gobolka banaadir tan iyo 2016-kii illaa 4-jeer ayay soo gaareen waxayna galabta ay la ciyaarayaan xulka Galmudug oo ka mid ah kooxaha ugu adag uguna taageeraha badan koobkan.

Banaadir ayaa ah kooxda kulamada ugu badan aan shabaqooda la gaarin waxayna shabaqooda ilaalshadeen illaa iyo labo kulan ciyaarihii ay la ciyaareen koonfur Galbeed iyo Jubbaland

Guud ahaan labada kooxood  waxay tartanka isku arkeen illaa afar Kulan afartaasi kulan 3-jeer Banaadir ayaa adkaatay halka kulanka kale bareejo ay ku kala tageen

Xulka Galmudug

Xulka Galmudug waxay afar dhammaadka koobkan ay soo gaartay kaliya labo jeer waana inta uu hoggaaminayo Macalin Axmed Tahliil

Galmudug ma jirto guul ay ka gaartay banaadir tan iyo 2016-kii 

Macalimiinta labada xul Axmed Tahliil V Daadir Amiin

Guud ahaan tan iyo markii macalimiin ay noqdeen Axmed tahliil & Daadir Amiin waxay wada kulmeyn 8-jeer tartamada oo dhan waxaana guul badan Daadir Amiin Daada

Sideed jeer ay wada kulmeyn 4-kulan Daadir Amiin ayaa adkaaday labo kulan Axmed tahliil halka labo kulan ay barbaro ku kala tageen.

Daadir Amiin iyo Gobolka Banaadir ma jirto xul garaacay tan iyo 2020-kii waana kooxda kaliya aan laga adkaanin tartanka hadda socda, hase yeeshee waxaa dhibcaha laga qaaday kulankii ay la ciyaareen Hirshabeelle kaddib khalalaaso ka dhacay garoonka taas oo markii dambe lagu ganaaxay xulka Gobolka Banaadir oo laga xayuubiyay saddex dhibcood ee kulankaasi.

argentina france playoff final match Football 2022. 2022 World Football championship match versus teams intro sport background, championship competition poster, vector.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button