WARARKA MAANTA

Wax ka ogow dhacdooyinkii laga diiwaangaliyay guushii Galmudug ay ka gaartay Banaadir

Ciyaartii u dhexeysay xulalka Galmudug & Banaadir ee ka tirsanayd wareegga afar dhammaadka tartanka kubbadda cagta maamul goboleedyada & gobolka banaadir waxaa laga diiwaangeliyay dhacdooyin gaar u ah xulka Galmudug oo gaaray fiinaalka tartanka kubbadda cagta maamul goboleedyada & gobolka banaadir markoodii labaad oo isku xigto.

Haddaba waxaan bogga Astaansports.com aan idinkugu soo gudbineynaa dhacdooyinka laga diiwaangeliyay kulan ciyaareedkii u dhexeeyay Galmudug iyo Banaadir.

1-Xulka kubbadda cagta Galmudug ayaa markii labaad soo gaaray fiinaalkaTartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir, waxaana labada mar macalin u ahaa Axmed Tahliil sannadii 2020-kii iyo 2023/24

2-Galmudug Waxay noqotay xulka goolasha ugu badan ka dhaliyay tartanka maamul goboleedyada & gobolka banaadir 2023/24 waxayna dhaliyeen 8-gool

3-Axmed Tahliil oo ah macalinka Galmudug ayaa garaacay xulka Banaadir iyo Macalinkooda Daadir Amiin markiisa ugu horreysay tartanka tan iyo sanadkii 2020-kii

4-Daadir Amiin & Axmed Tahliil ayaa tartanka maamul goboleedyada & gobolka banaadir ku kulmay min  4-jeer 2-mar waxaa adkaaday Daadir Amiin hal mar Axmed Tahliil hal marna barbaro ayay galeen

Ugu dambeyntii xulka kubbadda cagta Galmudug ayaa fiinaalka tartanka kubbadda cagta maamul goboleedyada & gobolka banaadir waxay Sabtiga la ciyaari doonaan xulka kubbadda cagta Hirshabeelle oo xulka Jubbaland ka soo adkaaday ciyaartii afar dhammaadka tartanka maamul goboleedyada & gobolka banaadir.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button