WARARKA MAANTA

Gianni Infantino oo ka hadlay tartanka Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir

Madaxwaynaha xiriirka Kubbadda cagta Adduunka ee FIFA Gianni Infantino ayaa markii ugu horreysay ka hadlay tartanka kubbadda cagta maamul goboleedyada iyo G.Banaadir oo Muqdisho ka socda.

Gianni Infantino ayaa  bartiisa Instagram-ka ku soo qoray: “Kani wuxuu u ahaa todobaad cajiib ah ciyaarteenna quruxda badan ee adduunka oo dhan laga xiiseynayo.Tartamada OFC iyo ciyaaraha qurux badan oo dhex maraya dowlad gobolleedyada Soomaaliya iyo qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee ay soo bandhiggeen xulalka ka qeyb-galaya koobka CAF Africa iyo AFC Asian Cup waxa ay ahaayeen maalmo cajiib ah.”

Tartanka kubbadda cagta maamul goboleedyada & gobolka banaadir ayaa la soo gabagabeen doonaa maalinta Isniinta oo taariikhda ku beegantahay 29/01/2024 waxaana wada ciyaari doono xulalka Hirshabeelle iyo Galmudug.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button