Jadwalka kulamada wareegga koowaad horyaalka Somali National League oo la soo saaray.

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda cagta oo soo saaray jadwalka kulamada wareegga koowaad ee horyaalka Somali National League 2023/2024.
Ciyaartii furitaanka horyaalka Somali National League 2023/2024 ayaa horey loo ciyaaray 31/12/2023 waxaana wada ciyaaray kooxaha Badbaado & Jazeera iyadoo 2-0 ay ku adkaatay kooxda kubbadda cagta Badbaado.
Sida ku cad jadwalka ay soo saareen xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya waxaa kulanka labaad ciyaaraha Somali National League 2023/2024, la ciyaari doonaa 31/01/2024 oo ku beegan maalinta Arbacada waxaana wada ciyaari doono kooxda difaacaneyso Horyaalka Gaadiidka & Dekedaha FC.
Wareegga koowaad ee horyaalka Somali National League 2023/2024 ayaa si xiriir ah loo ciyaari doonaa illaa 10/02/2024 sida ku cad jadwalka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda cagta.
Hoos ka eeg Jadwalka wareegga koowaad horyaalka Somali National League 2023/2024.
