WararkaWARARKA MAANTA

Kooxaha Gaadiidka & Dekedaha oo maanta wada ciyaari doono horyaalka Soomaaliya

Kooxda difaacaneyso horyaalka heerka koowaad ee Somali National League Gaadiidka ayaa galabta kulan adag la ciyaari doonto dhiggeeda Dekedaha waana kulankooda koowaad ee labada kooxood wada ciyaari doonaan xilli ciyaareedka cusub Somali National League 2023/2024.

Ciyaartii furitaanka horyaalka Somali National League 2023/2024 ayaa horey loo ciyaaray 31/12/2023 waxaana wada ciyaaray kooxaha Badbaado & Jazeera iyadoo 2-0 ay ku adkaatay kooxda kubbadda cagta Badbaado.

Sida ku cad jadwalka ay soo saareen xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya waa kulanka labaad ciyaaraha Somali National League 2023/2024, oo maanta oo  Arbaco ah ay wada ciyaari doonaan kooxaha Gaadiidka &  Dekedaha FC.

Wareegga koowaad ee horyaalka Somali National League 2023/2024 ayaa si xiriir ah loo ciyaari doonaa illaa 10/02/2024 sida ku cad jadwalka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda cagta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button