UncategorizedWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxaha Gaadiidka & Dekedaha oo barbaro ku hishiiyay Somali National League.

Kooxda difaacaneyso horyaalka heerka koowaad ee Somali National League Gaadiidka ayaa barbaro ku furatay kulankoodii koowaad xilli ciyaareedka cusub horyaalka Somali National League 2023/24  kaddib markii ay la ciyaareen kooxda Dekedaha.

Kulankan oo mid aad u adag waxay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar aad u xiiso badan qaybtii koowaad ee ciyaarta waxaa hoggaanka u dhiibay kooxda Dekedaha Joshua Abdel waxaana lagu kala nastay 1-0 oo hoggaanka ku haysay kooxda Dekedaha.

Marka dib la isgu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta kooxda Gaadiidka ay la timed goolka barbaraha ciyaarta waxaana u dhalliyay ciyaaaryahanka lagu magacaabo Ramadaan wuxuu ahaa kulankiisa ugu horreeyay uu u ciyaaro kooxda Gaadiidka iyo goolkiisa ugu horreeyay, natiijada kulanka ay ku soo dhammaatay 1-1 oo labada kooxood ay isku mari waayeen

Wareegga koowaad ee horyaalka Somali National League 2023/2024 ayaa si xiriir ah loo ciyaari doonaa illaa 10/02/2024 sida ku cad jadwalka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda cagta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button