SAWIRRO: Abaal-marinadii la bixiyay tartankii Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir.

Xulka kubbadda cagta Galmudug ayaa la guddoonsiiyay koobkii Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir oo markii ugu horreysay ay ku guuleysateen 2023/24.

Xarunta Villa Soomaaliya ayaa lagu guddoonsiiyay xulka kubbadda cagta Galmudug Koobka iyo abaal-marino kale oo la siiyay qaar ka mid ah tartamayaashii ka qaybgalay koobkii Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir.

Abaalmarinada ayaa loo kala bixiyay
1-Macalinkii ugu wanaagsanaa tartanka maamul goboleedayada & gobolka banaadir waxaa la siiyay Macalinka Xulka Galmudug Axmed Tahliil

2-Ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa tartanka maamul goboleedayada & gobolka banaadir waxaa la siiyay Diini Maxamed Daahir Maxamed Daahir oo ka tirsanaa Galmudug.

3-Goolhayihii ugu wanaagsanaa maamul goboleedayada & gobolka banaadir waxaa la siiyay goolhayihii Galmudug Cabdisalaan Cali

4-Gooldhaliyaha ugu sarreeyay maamul goboleedayada & gobolka banaadir waxaa la siiyay ciyaaryahanka weerarka ugu ciyaarayay xulka Jubbaland Bakar Shafalle

5-Garsoorihii ugu wanaagsanaa maamul goboleedayada & gobolka banaadir waxaa la siiyay garsoore Axmed Kaafi Shiine.

6-Xulka kubbadda cagta Hirshabeelle oo gaaray fiinaalka tartanka ayaa la siiyay xulkii ugu wanaagsanaa tartankii kubbadda cagta maamul goboleedayada & gobolka banaadir.
