WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Xildhibaan Ducaale oo Abaal-marin lacageed guddoonsiiyay xulka Hirshabeelle.

Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ah muddane ka tirsan barlamaanka Soomaaliya ayaa guddoonsiiyay abaal-marin lacageed ciyaartoyda xulka kubbadda cagta Hirshabeelle.

Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa horey u ballan qaaday inuu abaal-marin doono dhammaan ciyaartoyda maamulka iyo macalimiinta xulka kubbadda cagta Hirshabeelle oo sannadkan soo gaaray kama dambeysta tartanka kubbadda cagta maamul goboleedyada & gobolka banaadir.

War qoraal ah oo lagu baahiyay bogga rasmiga ee wasaaradda dhallinyarada & xiriirka kubbadda cagta Hirshabeelle ayaa lagu yiri: ”Wasaaradda dhalinayaradda iyo Bahda Xiriirka kubadda Cagta Hirshabeelle waxa ay ka mahadcelinayaan garab istaaga Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo dhammaan dadkii Soo garab istaagay xulka oo sannadkan wacdaro ka dhigay cayaarihiiii Dowlad goboleedyada dalka”.

Si kastaba waa masuulkii ugu horreeyay ee abaal-marin lacageed guddoonsiiyay ciyaartoyda Hirshabeelle tan iyo markii laga qaaday koobka maamul goboleedyada & gobolka banaadir.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button