WARARKA MAANTA

Kooxaha Heegan & Dekedaha oo galabta wada ciyaari doono horyaalka Somali National League.

Kulankan oo ka mid ah kulamada ugu adag horyaalka heerka koowaad ee dalkeenna Somali National League ayaa galabta waxaa isku arki doono Kooxaha Heegan & Dekedaha ciyaartan ayaa lagu ciyaari doonaa garoonka Eng-yariisow ee Degmada Cabdicasiis.

Kooxda kubbadda Dekedaha oo horey u soo ciyaartay labo kulan ayaana wax guul ah gaarin waxayna labada ciyaarood ay barbaro la galeen kooxaha kala ah Gaadiidka iyo KIGS SC, kulankan waa kulankooda saddexaad waxay ka hortagayaan kooxda ay aadka u xifaaltamaan ee Heegan.

Dhanka kale kooxda kubbadda cagta Heegan ciyaartii ugu dambeysay waxay guuladarro kala kulantay kooxda Gaadiidka halka kulankii ka horreeyay ay barbaro la soo gashay kooxda MCC ciyaarha horyaalka Somali National League, kulanka galabta waa tijaabo kale oo hortaalo kooxda Heegan.

Wareegga koowaad ee horyaalka Somali National League ayaa si xiiso leh ugu socdo garoonka kubbadda cagta Eng-yariisow ee degmada Cabdicasiis.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button