WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Saxafi oo guul ka gaartay dhiggeeda Badbaado Somali National League.

Kooxda kubbadda cagta Saxaf ayaa guul ka gaartay dhiggeeda Badbaado kulan ka tirsanaa horyaalka kubbadda cagta Somali National League, kaddib markii ay la ciyaareen kooxda Badbaado.

Qaybtii koowaad ee kulanka kooxda labada kooxood waxay muujiyeen dadaalo inkastoo aan wax gool ah la iska dhallin waxaana lagu kala nastay 0-0.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta waxay labada dhinac waxay soo bandhigeen ciyaar weerar & weerar celis ah, waxaana jiray fursado ay abuureen labada kooxood hase yeeshee kooxda Saxafi ayaa heshay gool uu u dhalliyay ciyaaryahanka lambarka 9-aad waxaana natiijada ciyaarta ay ku soo dhammaatay 1-0 oo ku adkaatay kooxda Saxafi.

Kooxda kubbadda Saxafi ayaa gaartay labo guul saddex kulan ay ciyaareen kaliya hal  kulan ayaa laga adkaaday xilli ciyaareedka cusub horyaalka Somali National League.

Dhanka kale kooxda kubbadda cagta Badbaado waxaa soo gaartay guuldarradii ugu horreysay horyaalka Somali National League saddex kulan ay ciyaareen waxay adkaadeen hal kulan waxay barbaro galeen hal kulan waxaana shalay soo gaartay guuldarradii ugu horreysay xilli ciyaareedka cusub.

Wareegga labaad ee horyaalka Somali National League ayaa si xiiso leh ugu socdo garoonka kubbadda cagta Eng-yariisow ee degmada Cabdicasiis.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button