UncategorizedWARARKA MAANTA

SAWIRRO: MCC & Jeenyo oo barbaro ku kala baxay horyaalka Somali National League

Kulankan oo ka tirsanaa  horyaalka heerka koowaad ee dalkeenna Somali National League ayaa lagu ciyaaray garoonka kubbadda cagta Eng-yariisow ee Degmada Cabdicasiis.

Labada kooxood MCC & Jeenyo ayaa soo bandhigay ciyaar aad u xiiso badan kooxda Jeenyo ayaa la hormartay gool uu u dhalliyay ciyaaryahanka lambarka 18-aad Mustafa kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-0, inta aan la aadin qaybta nasashada ayay kooxda MCC iska soo barbareysay goolka waxaana u saxiixay ciyaaryahanka lambarka 7-aad Ciise Aadan waxaana lagu kala nastay 1-1 qaybtii koowaad ee ciyaarta

Kooxda MCC oo ciyaarta saddex kulan ayaa gashay barbaro labo kulan kaliya hal ciyaar ayay guul gaareen horyaalka Somali National League.

Dhanka kale kooxda Jeenyo oo ciyaartay saddex kulan labo ka mid ah waa laga adkaaday iyadoo kulanka kale ay barbaro la gashay kooxda MCC, waxay sidaasi ku heshay dhibicdii ugu horreysay horyaalka heerka koowaad Somali National League waxaa laga.

Isa aragga wareegga saddexaad ee horyaalka Somali National League ayaa si xiiso leh uga socdo garoonka Eng-yariisow ee degmada Cabdicasiis.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button