UncategorizedWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Heegan oo gaartay guusheydii ugu horreysay horyaalka Somali National League.

Kooxda kubbadda cagta Heegan SC ayaa gaartay guusheydii ugu horreysay horyaalka heerka koowaad  Somali National League kaddib markii ay ka adkaadeen kooxda Gigs SC ciyaar lagu ciyaaray garoonka kubbadda cagta Eng-yariisow ee degmada Cabdicasiis.

Labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar aad u adag waxaana qaybtii koowaad hoggaan ciyaarta la wareegtay kooxda Heegan kaddib markii uu goo u dhalliyay ciyaaryahanka lagu magacaabo Kimuli iyadoo qaybtii koowaad lagu kala nastay 1-0 oo hoggaanka ku haysay kooxda Heegan.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta kooxda Heegan waxaa labo gool u kala dhalliyay ciyaartoydii u xulka Jubbaland ee dhawaan ay la saxiixdeen xiddigaha kala ah Weli Axmed iyo Bakar Shuvelle halka kooxda Gigs SC uu goolka kaliya ay dhalliyeey uu u saxiixday ciyaaryahanka lagu magacaabo Tomson, natiijada ciyaarya ayaana ku soo dhammaatay 3-1 oo ku adkaatay kooxda Heegan.

Kooxda Heegan oo ciyaartay 4-kulan ayaa guul gaartay hal kulan waxaana laga adkaaday labo kulan halka hal ciyaar ay barbaro galeen waxaana hadda ay leeyihiin kaliya saddex dhibcood horyaalka heerka koowaad Somali National League.

Dhanka kale Kooxda Gigs SC  oo ciyaartay 4-kulan waxaana laga adkaaday saddex kulan halka hal ciyaar ay barbaro galeen waxaana hadda ay leeyihiin kaliya hal dhibic horyaalka heerka koowaad Somali National League.

Isa aragga Isbuucii afaraad ee horyaalka Somali National League 2023/2024 ayaa si xiiso leh uga socdo garoonka kubbadda cagta Eng-yariisow ee degmada Cabdicasiis.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button