SAWIRRO: Heegan & Elman SC oo ismari waayay Somali National League.

Kooxaha Heegan & Elman SC ayaa ku hishiiyay barbaro goolal la’aan ah kulan ka tirsanaa wareegga shanaad horyaalka heerka koowaad ee Somali National League 2023/2024.
Ciyaartan oo lagu ciyaaray garoonka kubbadda cagta Eng-yariisow ee Degmada Cabdicasiis waxay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar aad u adag wallow ay jireen fursado ay abuureen labada dhinac, natiijada ciyaarta ayaana ku soo dhammaato 0-0 waqtigii loogu talagalay.
Kooxda Heegan oo ku jirto booska 7-aad ee kala sareynta horyaalka Somali National League ayaa leh shan dhibcood shan kulan ay ciyaartay.
Dhanka kale kooxda kubbadda cagta Elman SC oo ku jirto kaalinta 11-aad horyaalka Somali National League ayaa leh kaliya saddex dhibic shantii kulan ay ciyaartay kulamada horyaalka Somali National League 2023/2024.
Kulanka labada kooxood ayaa bilow u ahaa isbuucii shanaad ee horyaalka Somali National League 2023/2024.









