WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda MCC ayaa guul mumiim ah ka gaartay dhiggeeda Raadsan Somali Natinal League.

Kooxda MCC ayaa guul mumiim ah ka gaartay dhiggeeda Raadsan kulan ka tirsanaa horyaalka heerka koowaad ee Somali Natinal League oo lagu ciyaaray garoonka kubbadda Muqdisho Stadium.

Labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar aad u adag waxaana qaybtii koowaad ee kulanka lagu kala nastay 0-0 oo labada dhinac ay isku mari waayeen.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta waxay labada kooxood muujiyeen dadaalo dhan kasto wallow ciyaarta ay ku soo dhammaatay 3-1  ay ku adkaatay kooxda MCC

Kooxda MCC oo ciyaartay kulankii lixaad ayaa gaartay guushii saddexaad waxay horey barbaro u soo gashay saddex kulan horyaalka Somali National League waxayna sidaasi ku leedahay 12 dhibcood.

Dhanka kale kooxda Raadsan oo ciyaartay kulankii lixaad ayaa soo gaartay guuldaradii labaad waxay barbaro galeen hal kulan waxayna adkaadeen saddex ciyaar iyagoo leh 10 dhibcood horyaalka Somali Natinal League.

Saxiixa cusub ee kooxda MCC Xasaasi ayaa shalay u ciyaaray kooxdiisa MCC kulankiisa koowaad wuxuuna soo bandhigay qaab ciyaareed aad u heer sareeyo kulankiisa koowaad ee horyaalka Somali Natinal League.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button