WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Dekedaha oo u awood sheegatay dhiggeeda Midnimo  Somali National League.

Kooxda Dekedaha ayaa guul mumiim ah ka gaartay dhiggeeda Midnimo kulan ka tirsanaa horyaalka heerka koowaad ee Somali Natinal League oo lagu ciyaaray garoonka kubbadda Muqdisho Stadium.

Qaybtii koowaad ee kulanka waxaa hoggaanka u dhiibay kooxda Dekedaha ciyaaryahanka lamabarka 16-aad Suleymaan Siidcali Cabdi waxaana lagu kala nastay 1-0 oo hoggaanka ku haysay kooxda Dekedaha.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta kooxda Dekedaha waxay sii dheereysatay hoggaanka waxaana ay heshay saddex gool oo ay kala qaybsadeen xiddigaha kala ah lambarka 19-aad Maxamed Maxamuud Axmed, lambarka 22-aad Sahal Maxamed Ciise iyo lambarka Asogwa Kingsley, waxaana natiijada ciyaarta ay ku soo dhammaatay 4-0 oo ku adkaatay kooxda Dekedaha.

Kooxda Dekadaha oo ciyaartay kulankii lixaad ayaa gaartay guushii afaraad sidoo kale waxay barbaro galeen labo kulan halka aan laga adkaanin waxayna sidaasi ku leeyihiin 14-dhibcood horyaalka Somali National League.

Dhanka kale kooxda Midnimo oo ciyaartay kulankii lixaad ayaa la kulantay guuldarradii afaraad waxay barbaro galeen hal kulan waxay adkaadeen hal ciyaar iyagoo sidaasi ku leh 4-dhibcood horyaalka Somali Natinal League.

Horyaalka Somali National League ayaa si xiiso leh ugu socdo wareeggiisa lixaad garoonka Stadium Muqdisho.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button