WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Gaadiidka  oo guul muhiim ah ka gaartay Badbaado Somali National League.

Kooxda Gaadiidaka ayaa guul mumiim ah ka gaartay dhiggeeda Badbaado kulan ka tirsanaa horyaalka heerka koowaad ee Somali Natinal League oo lagu ciyaaray garoonka kubbadda Muqdisho Stadium.

Qaybtii koowaad ee kulanka labo gool u saxiixay Gaadiidka ciyaaryahanka lambarka 9-aad Adde ayaa lagu kala nastay inkastoo ay jireen fursado ay abuureen xiddigaha kooxda Badbaado haddane ma ahayn kuwo ay ka faa’’iideysteen Badbaado.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta kooxda Gaadiidka waxay sii dheereysatay hoggaanka ciyaarta waxaana goolkiisa saddexaad u dhalliyay ciyaaryahanka lambarka 9-aad Adde kaas shalay dhalliyay saddexley, dhammaadkii ciyaarta kooxda Badbaado ayaa heshay gool kulaad waxaana gool u beddelay lambarka 7-aad Najiib Xusseen, natiijada ciyaarta ayaana ku soo dhammaatay 3-1 oo ku adkaatay kooxda Gaadiidka.

Kooxda  Gaadiidka  oo ciyaartay kulankii lixaad ayaa adkaatay saddex ka mid ah waxaana ay barbaro galeen hal kulan sidoo kale waxaa laga adkaaday hal kulan horyaalka Somali National League.

Dhanka kale kooxda Badbaado ayaa laga adkaaday afar  ka mid ah lixdii kulan ay ciyaareen horyaalka Somali National League hal kulan barbaro ayay galeen kaliya kulankii furitaanka horyaalka ayay guul gaareen.

Horyaalka Somali National League oo la ciyaaray kulamadii lixaad waxaa hoggaanka hayso kooxda Dekedaha oo leh 14-dhibcood halka kaalinta labaad ay ku jirto kooxda Horseed oo leh 13-dhibcood kaalinta saddaxaad waxaa ku jirto kooxda MCC oo leh 12-dhibcood  Somali National League.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button