UncategorizedWARARKA MAANTA

Kooxda Elman Sc oo goolal badan ku garaacday Jeenyo Somali National League

Kooxda Elman ayaa guul weyn ka gaartay dhiggeeda Jeenyo kulan ka tirsanaa horyaalka heerka koowaad ee Somali Natinal League oo lagu ciyaaray garoonka kubbadda Muqdisho Stadium.

Qaybtii koowaad ee kulanka labada kooxood ayaa soo bandhigay weerar iyo weerar celis waxaana lagu kala nastay 1-1.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta kooxda Elman  ayaa la soo laabatay qaab ciyaareed ka duwan qaybtii hore taas oo keentay in natiijada ciyaarta ay ku soo dhammaatay 5-2 oo ku adkaatay kooxda Elman.

Kooxda  Elman oo ciyaartay kulankii toddobaad ayaa gaartay  guushii labaad waxay barbaro galeen saddex kulan sidoo kale waxaa laga adkaaday labo kulan horyaalka Somali National League.

Dhanka kale kooxda Jeenyo ayaa laga adkaaday afar ka mid ah toddabadii kulan ay ciyaartay sidoo kale labo kulan barbaro ayay galeen horyaalka Somali National League.

Horyaalka Somali National League oo la ciyaaray kulamadii lixaad waxaa hoggaanka hayso kooxda Dekedaha oo leh 14-dhibcood halka kaalinta labaad ay ku jirto kooxda Horseed oo leh 13-dhibcood kaalinta saddaxaad waxaa ku jirto kooxda MCC oo leh 12-dhibcood  Somali National League.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button