WARARKA MAANTA

Kooxda Heegan Sc oo guul dirqi ah ka gaartay Midnimo horyaalka Somali National League.

Kooxda kubbadda cagta Heegan SC ayaa guul dirqi ah ka gaartay dhiggeeda Midnimo kulan ka tirsanaa horyaalka heerka koowaad ee Somali Natinal League oo lagu ciyaaray garoonka kubbadda Muqdisho Stadium.

Qaybtii koowaad ee ciyaarta kooxda Midnimo ayaa hoggaanka la wareegtay daqiiqadii 6-aad kaddib markii uu gool u dhalliyay ciyaaryahanka lambarka 20-aad Abdalla Dhadho Maro, daqiiqado yar kaddib ayuu mar kale dhalliyay goolkiisa labaad ee ciyaarta Abdalla Dhadho Maro kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-0 daqiiqadii 25-aad ee kulanka.

Kooxda kubbadda cagta Heegan ayaa iska soo barbareysay labada gool inta aan la aadin qaybta nasashada waxaana goolka koowaad u dhalliyay lambarka 10-aad Mahad Basey daqiiqadii 33-aad, dhammaadkii qaybta koowaad ayay heleen gool kulaad kooxda Heegan waxaana gool u beddelay lambarka 13-aad ciyaaryahanka lagu magacaabo Shaka Ssozi waxaana lagu kala nastay 2-2.

Marka dib la isugu soo laabtay labada kooxood ayaa soo bandhigay kubbad qurux badan waxaana daqiiqadii 59-aad goolka guusha u dhalliyay kooxda Heegan Mahad Basey kaas oo dhalliyay goolkiisa labaad ee ciyaarta, waxaana natiijada ay ku soo dhammaatay 3-2 oo ku adkaatay kooxda Heegan.

Kooxda  Heegan oo ciyaartay kulankii toddobaad ayaa gaartay  guushii labaad waxay barbaro galeen saddex kulan sidoo kale waxaa laga adkaaday labo kulan horyaalka Somali National League.

Dhanka kale kooxda Midnimo ayaa laga adkaaday shan ka mid ah toddabadii kulan ay ciyaartay sidoo kale hal kulan barbaro ayay galeen waxayna gaareen hal guul horyaalka Somali National League.

Kulamada isbuucii toddobaad ee horyaalka Somali National League ayaa si xiiso leh ugu socdo garoonka Muqdisho Stadium.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button