WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Raadsan oo dhibcaha ka qaadatay kooxda difaacaneyso Somali Natinal League.

Kooxda  Raadsan ayaa guul mumiim ah ka gaartay kooxda difaacaneyso horyaalka heerka koowaad ee Somali Natinal League, kulankan oo lagu ciyaaray garoonka kubbadda Muqdisho Stadium.

Qaybtii koowaad ee kulanka lagu kala nastay waxaa hoggaanka u dhiibay kooxda Raadsan ciyaaryahanka lambarka 10-aad Emeronye Chidiebere daqiiqadii 33-aad ee ciyaarta waxaana lagu kala nastay 1-0 oo hoggaanka ku haysay kooxda Raadsan.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta waxay kooxda Gaadiidka waxay cadaadis xoogan ay saareen daafaca kooxda Raadsan kuwaasi oo weerar celin ku sameeyay dhammaadkii qaybtii labaad ee ciyaarta waxaa quusiyay kooxda Gaadiidka ciyaaryahanka lambarka 13-aad Xasan Cabdi daqiiqadihii lagu daray kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-0.

Kooxda  Gaadiidka  oo ciyaartay kulankii 7-aad ayaa soo gaartay guuldarradii labaad  waxaana ay barbaro galeen 2 kulan sidoo kale waxay adkaadeen saddex kulan iyagoo hadda leh 10-dhibcood horyaalka Somali National League.

Dhanka kooxda Raadsan oo ciyaartay kulankii 7-aad  ayaa  gaartay  guushii afaraad waxay barbaro galeen hal kulan waxaana laga adkaaday labo kulan waxayna sidaasi ku leeyihiin 13 dhibcood horyaalka Somali Natinal League.

Isbuuca 7-aad ee horyaalka Somali Natinal League ayaa si xiiso leh uga socdo garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button