WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Dekedaha hoggaanka u hayso horyaalka Somali Natinal League.

Kooxda  Dekedaha ayaa guul mumiim ah ka gaartay dhiggeeda Badbaado kulan ka tirsanaa horyaalka heerka koowaad ee Somali Natinal League

Qaybtii koowaad ee kulanka ayaa lagu kala nastay Dekedaha oo hoggaanka ku hayso 2-0 waxaana u kala dhalliyay goolasha ciyaartoyda kala ah Nuur Iraad iyo Asagwo Emeka inkastoo bandhiga Badbaado uu ahaa mid fiican.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybta labaad ee kulanka kooxda Dekedaha ayaa hoggaanka sii dheereysatay waxaana mar kale dhalliyay goolkiisa labaad iyo goolkii saddexaad ee kulanka ciyaaryahanka lambarka 21-aad Nuur Iraad halka goolka afaraad uu u saxiixay ciyaaryahanka lambarka 6-aad Cusmaan Salaad,

Dhammaadkii ciyaarta waxaa goolka shanaad u saxiixay ciyaaryahanka lambarka 44-aad Cabdiwahaab Aweys Muunya kaas oo sidoo kale khasaariyay gool kulaad loo dhigay kooxda Dekedaha, Natiijada ciyaarta ayaa ku soo dhammaatay 5-0 oo ku adkaatay kooxda Dekedaha.

Kooxda Dekadaha oo ciyaartay kulankii 7-aad ayaa gaartay guushii shanaad sidoo kale waxay barbaro galeen labo kulan halka aan laga adkaanin waxayna sidaasi ku leeyihiin 17-dhibcood horyaalka Somali National League.

Kooxda Badbaado oo ciyaartay kulankii 7-aad waxaa soo gaartay guuldarradii shanaad sidoo kale waxay barbaro galeen hal kulan kaliya hal kulan ayay adkaadeen waxayna sidaasi ku leeyihiin 4-dhibcood iyagoo ku jiro kaalinta 11-aad ee horyaalka Somali National League.

Kulamadii 7-aad ee horyaalka Somali National League ayaa ku soo dhammaaday iyadoo oo hoggaanka horyaalka ay hayso kooxda Dekedaha.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button