WARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Jenyo oo guul dirqi ah ka gaartay KIGS SC horyaalka Somali Natinal League

Kooxda kubbadda cagta Jeenyo ayaa guul muhiim ah ka gaartay KIGS  SC kulan ka tirsanaa horyaalka heerka koowaad ee Somali Natinal League oo lagu ciyaaray garoonka Muqdisho Stadium.

Qaybtii koowaad ee kulanka kooxda Jeenyo ayaa hoggaanka la wareegtay waxaana gool u dhalliyayay ciyaaryahanka lambarka 18-aad Irie Mustapha daqiiqadii 40-aad waxaana lagu kala nastay 1-0 oo hoggaanka ku haysay kooxda Jeenyo.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybta labaad ee cayaarta kooxda KIGS SC ayaa la timed goolka barbaraha waxaana u saxiixay ciyaaryahanka lambarka 30-aad Thomson Ayodeji kaas oo ciyaarta ku soo celiyay garbo siman 1-1 ah.

Dhammaadkii ciyaarta ayuu mar kale hoggaanka u dhiibay kooxda Jeenyo Irie Mustapha daqiiqadii 84-aad waxaana natiijada ciyaarta ay ku soo dhammaatay 2-1 oo ku adkaatay kooxda Jeenyo.

Kooxda Jeenyo oo ciyaartay kulankii 8-aad ayaa gaartay guushii labaad waxay sidoo kale barbaro galeen labo kulan waxaana laga adkaaday afar kulan waxayna sidaasi ku leeyihiin 8-dhibcood horyaalka Somali Natinal League.

Dhanka kale kooxda KIGS SC oo ciyaartay kulankii 8-aad ayaa soo gaartay guuldarradii lixaad sidoo kale waxay barbaro galeen labo kulan wax guul ah ma gaarin waxayna ku jiraan kaalinta ugu damberyso horyaalka Somali Natinal League iyagoo leh kaliya labo dhibcood.

Kulamadii 8-aad ee horyaalka Somali National League ayaa si xiiso leh ugu
socdo garoonka Stadium Muqdisho

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button