SAWIRRO: Kooxaha MCC & Horseed oo barbaro ku hishiiyay horyaalka Somali Natinal League.

Kooxaha kubbadda cagta MCC & Horseed ayaa ku hishiiyay barbaro goolal la’aan ah kulan ka tirsanaa horyaalka heerka koowaad ee Somali Natinal League oo lagu ciyaaray garoonka Muqdisho Stadium.
Ciyaartan oo qayb ka ahayd kulamada 8-aad ee horyaalka kubbadda cagta Somali Natinal League waxay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar awood ahaan garbo siman taas oo keentay in natiijada kulanka ay ku soo dhammaaatay 0-0 oo labada dhinac ay isku mari waayeen.
Kooxda MCC oo ciyaartay kulankii 8-aad ayaa gashay barbarihii afaraad waxay horey u soo adkaadeen afar jeer welina lagama adkaan iyagoo hadda leh 16-dhibcood horyaalka Somali Natinal League.
Dhanka kale kooxda Horseed ayaa gashay barbarihii saddexaad, waxay soo guuleysteen shan ciyaar haka hal kulan laga adkaaday waxayna leeyihiin 17-dhicood horyaalka Somali Natinal League.
Kulankan u dhexeeyay labadan kooxood ayaa ahaa kii ugu taageeraha badanaa xilli ciyaareedka horyaalka heerka koowaad ee Somali Natinal League.








