SAWIRRO: Dekedaha & Horseed oo barbaro ku kala baxay Somali Natinal League.

Hoggaamiyaasha horyaalka Somali Natinal League ee Dekedaha ayaa barbaro la galay kooxda Horseed oo ku jirto kaalinta labaad ee kala sareynta horyaalka.
Kulankan oo ahaa mid aad u adag ayaa lagu ciyaaray garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium waxaana daqiiqadii labaad hoggaanka u dhiibay kooxda k/cagta Horseed daafaca lambarka 4-aad Cali Cadde kaas oo madax ku dhalliyay kubbad gees-laad ahayd waxaana lagu kala nastay qabtii koowaad ee kulanka kooxda Horseed oo hoggaanka ku hayso 1-0.
Marka dib la isugu soo laabtay kooxda Dekedaha ayaa la timed goolka barbarha waxaana u dhalliyay kabtankooda Xaaji Macalim daqiiqadii 52-aad iyadoo natiijada ciyaarta ay ku soo dhammaatay 1-1 oo labada kooxdood oo ku tartamayo hanashada horyaalka ay ku kala baxeen.
Kooxda Dekadaha oo ciyaartay kulankii 10-aad ayaa gashay barbarihii 3-aad waxay guuleysteen 7-kulan halka aan laga adkaanin, waxayna sidaasi ku leeyihiin 24-dhibcood horyaalka Somali National League iyagoo hoggaanka ku hayo saddex dhibcood.
Dhanka kale Kooxda kubbadda cagta Horseed ayaa gashay barbarihii 3-aad waxay guul gaareen lix kulan, kaliya hal kulan ayaa laga adkaaday waxayna leeyihiin 21-dhicood horyaalka Somali Natinal League.





