SAWIRRO: Kooxaha Badbaado & Kigs SC oo barbaro ku hishiiyay Somali Natinal League.

Waxaa shalay dib u furmay horyaalka heerka koowaad ee Somali Natinal League warreegiisa labaad kulamadii 12-aad waxaana shalay wada ciyaaray kooxaha kubbadda cagta Babaado & Kigs SC.
Bilowgii ciyaarta daqiiqadii 2-aad ee kulanka ayaa loo dhigay gool-kulaad kooxda Kigs SC kaddib markii uu diilinta ganaaxa qalad uu ku galay goolhaye Marshaalle oo shabaqa u ilaaliyo naadiga Badbaado waxaana gool u beddelay ciyaaryahanka lambarka 7-aad Mahad Cr kaas oo hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Kigs SC.
Kooxda k/cagta Babaado ayaa iska soo barbareysay ciyaarta waxaana gool u dhalliyay ciyaaryahanka lambarka 2-aad Cumar Buush daqiiqadii 32-aad ee ciyaarta, mar kale ayay heleen goolka labaad ee kulanka kooxda Badbaado kaddib markii diilinta ganaaxa lagu jilaafay lambarka 9-aad Saalim waxaana garsoore Cabdullaahi Xaaji uu ku abaal-mariyay gool-kulaad daqiiqadii 39-aad iyadoo uu gool u beddelay ciyaaryahanka lambarka 29-aad Isaaq Maxamed waxaa lagu kala nastay 2-1 oo hoggaanka ku haysay kooxda Badbaado.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad beddel ay sameeyeen kooxda Kigs SC waxaa goolka barbaraha u dhalliyay ciyaaryahanka lambarka 35-aad Sawaale Cali Maxamed kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-2 kooxda Badbaado ayaa mar kale dhallisay goolkii saddexaad ee ciyaarta waxaana u saxiixay ciyaaryahanka lambarka 15-aad Maxamed Amiin daqiiqadii 60-aad sidaasi la iskagama harin waxay heleen kooxda Kigs SC goolka barbarha kaddib markii uu kubbad gees laad ahay uu madaxa ku dhammaystiray lambarka 5-aad Yomi daqiiqadii 70-aad ee kulanka waxaana natiijada ciyaarta ay ku soo dhammaatay 3-3 oo labada dhinac ay ku kala baxeen.
kooxda Badbaado oo ciyaartay kulankii 12-aad ee horyaalka heerka koowaad ee Somali Natinal League ayaa gashay barbarihii 3-aad, waxay guul gaareen labo kulan iyagoo laga adkaaday 7-kulan Somali Natinal League.
Dhanka kale Kooxda Kigs SC oo ciyaartay kulankii 12-aad ayaa gashay barbarihii saddexaad waxaa laga adkaaday 8-kulan kaliya hal kulan ayay adkaadeen horyaalka Somali Natinal League.








