SAWIRRO: kooxda Gaadiidka oo taako u dhigtay hoggaamiyaasha horyaalka Somali Natinal League.

Kooxda k/cagta Gaadiidka oo difaacaneyso horyaalka heerka koowaad ee Somali Natinal League ayaa taako u dhigtay kooxda Dekedaha, kulamadii 12-aad oo lagu ciyaaray garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium.
Ciyaarta oo ahayd mid aad u adag qaybtii koowaad waxaa hoggaanka u dhiibay kooxda Dekedaha ciyaaryahanka lambarka 17-aad Asagwo waxaana lagu kala nastay 1-0 oo hoggaanka ku haysay kooxda Dekedaha.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka kooxda Dekedaha ayaa heshay goolkii 2-aad waxaana dhammaystiray kubbad uu birta ku dhuftay Asogwo ciyaaryahanka lambarka 19-aad Maxamed Maxamuud Axmed Sarqaawe kaas kulamadii ugu dambeeyay si wayn uga soo muuqday kooxdiisa.
Dhanka kale kooxda kubbadda cagta Gaadiidka ayaa iska soo barbareysay labada gool waxaana goolka koowaad u saxiixay ciyaaryahanka lambarka 20-aad Ramadaan kaas oo shabaqa ku hubsaday kubbad ahayd laadka xurta (Free Kick) wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1, dhammaadkii ciyaarta daqiiqadii 80-aad ayay heleen gool-kulaad kooxda Gaadiidka waxaana qaladkaasi lahaa goolhayaha kooxda Dekedaha iyadoo uu gool u beddelay lambarka 9-aad Adde, natiijada ciyaarta ayaana ku soo dhammaatay 2-2.
kooxda Gaadiidka oo ciyaartay kulankii 12-aad ayaa gashay barbarihii 4-aad waxay guul gaareen shan kulan halka laga adkaaday saddex kulan iyagoo hadda leh 13-dhicood horyaalka Somali Natinal League.
Dhanka kale Kooxda Dekadaha oo ciyaartay kulankii 12-aad ayaa gashay barbarihii 4-aad waxay guul gaareen siddeed ciyaar halka aan laga adkaanin, waxayna sidaasi ku leeyihiin 28-dhibcood horyaalka Somali National League, iyadoo barbaraha la galiyay uusan u wanaagsaneyn maadaama ay ku tartamayaan hanashada horyaalka.







