SAWIRRO: Kooxaha Elman & MCC oo barbaro ku hishiiyay Somali Natinal League.

Kooxaha Elman & MCC ayaa barbaro ku hishiiyay horyaalka Somali Natinal League kulamadii 13-aad oo lagu ciyaaray garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium.
Ciyaarta oo ahayd mid aad u adag qaybtii koowaad waxaa hoggaanka u dhiibay kooxda Elman ciyaaryahanka lambarka 4-aad Bili Cilmi Wehliye waxaana lagu kala nastay 1-0 oo hoggaanka ku haysay kooxda Elman.
Qaybtii labaad ee ciyaarta kooxda MCC ayaa iska soo barbareysay goolka dhammaadkii ciyaarta waxaana u saxiixay ciyaaryahanka lambarka 8-aad Bashiir Mukhtaar Xassan waxaana natiijada kulanka ay ku soo dhammaatay 1-1 oo labada kooxood ay isku mari waayeen.
Kooxda k/cagta MCC oo ciyaartay kulankii 12-aad ayaa gaartay guushii lixaad waxay barbaro galeen afar kulan halka laga adkaaday labo ciyaar waxayna hadda leeyihiin 22-dhibcood horyaalka Somali Natinal League.
Kooxda kubbadda cagta MCC oo ciyaartay kulankii 13-aad ayaa gashay barbarhii 5-aad, waxay guul gaareen lix kulan, halka laga adkaaday labo ciyaar waxayna hadda leeyihiin 23-dhibcood horyaalka Somali Natinal League.
Dhanka kale Kooxda Elman oo ciyaartay kulankii 13-aad ayaa gashay barbarihii lixaad waxay guul gaareen afar kulan iyagoo laga laga adkaaday saddex kulan waxay hadda leeyihiin 18-dhibcood  horyaalka Somali National League.








