Hordhaca: Hungary & Switzerland Euro 2024
Waxaa galabta wada ciyaari doono xulalka kala ah Hungary & Switzerland tartanka Euro 2024 kulankooda furintaanka ciyaaraha Guruubka A.
Dominik Szoboszlai ayaa noqon doona kabtankii ugu da’da yaraa taariikhda tartanka Euro 2024 haddii uu hoggaamiyo Hungary kulanka furitaanka Group A ee galabta ay la ciyaari doonaan Switzerland.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool, oo 23 jir ah, ayaa ka caawiyay Hungary inay u soo baxdo Euro 2020, lakiin waxa uu seegay tartanka, kaas oo dib loo dhigay illaa 2021 sababo la xiriira cudurka faafa ee coronavirus, dartiis.
Xulka kubbadda cagta Hungary, oo uu maamulo macalinka u dhashay dalka Talyaaniga Marco Rossi, ayaa ka soo muuqanaya koobkoodii seddexaad ee isku xiga ee Euro.
Waxay ku jiraan kaalinta 26-aad ee qiimeynta Adduunka ee FIFA, kaliya 7 boos ayaa ka hooseeyaan Xulka ay wajahayaan galabta ee Switzerland.
Dhanka kale xulka kubbadda cagta Switzerland ayaa soo gaaray afar dhammaadka dhacdadii ugu dambeysay waxaana macalinka xulka Switzerland Murat Yakin uu rajeynayaa inuu meel wanaagsan gaarsiiyo xulkiisa.
Wararka labada xul
Peter Gulacsi, oo ah goolhayah RB Leipzig iyo goolhayaha kooxda Ferencváros Denes Dibusz ayaa ku tartami doona inay ku soo bilowdaan goolka Hungary.
Tababaraha Hungary Marco Rossi ayaa sheegay in ciyaaryahanka khadka dhexe Loic Nego uusan taam u noqon doonin kulanka Switzerland laakiin uu soo kabsan karo kulanka labaad ee Arbacada ay la ciyaarayaan Germany sidoo kale waxaa shaki ku jiro Callum Styles
Dhanka kale weeraryahanka xulka Switzerland Breel Embolo ayaa shaki uu ku jiraa isaga iyo Steven Zuber, xiddiga Burnley Zeki Amdouni ayaa laga yaabaa inuu ku soo bilowdo weerarka Switzerland.
Xaqiiqooyinka kulanka
Ciyaarta kaliya ay horey u kulmeen labadan xul Hungry iyo Switzerland waxay ahayd 1938-kii siddeed dhammaadka Koobka Adduunka Hungary ayaa 2-0 ku badisay xilligaasi.
Ciyaartoyda kala ah Adam Nagy, Laszlo Kleinheisler iyo Attila Fiola ayaa noqon kara ciyaartoydii ugu horreysay ee u ciyaara Hungary seddex tartan oo Yurub ah.
Labada xul ee u soo baxay wareegga bug-baxa mid kasta oo ka mid ah shantii tartan ee ugu dambeeyay (Koobka Adduunka/Euro) waa Switzerland iyo France.
Xherdan Shaqiri oo u dhalliyay xulkiisa 9 gool waa gooldhaliyaha ugu sarreeya tartamada waaweyn ee Switzerland sida (Koobka Adduunka/Euro).
Ciyaartoyda ciyaareyso Euro 2024, 7 ka mid ah ayaa dhaliyay goolal 10 ama wax ka badan koobka Adduunka iyo Euro waxayna kala yihiin Cristiano Ronaldo (22), Harry Kane (12), Kylian Mbappe (12), Antoine Griezmann (11), Romelu Lukaku (11), Thomas Müller (10) iyo Ivan Perisic (10).
Ogeysiiska Ciyaarta
Taariikhada Sabti 15 Jun 2024
Garoosaraha kulanka Slavko Vincic oo u dhashay (Slovenia)
Garoonka ciyaarta ka dhaceyso waa RheinEnergieSTADION
Watiga geeska afrika 4:00 PM
WQ/Daacad