Hordhaca: xulalka Spain & Croatia tartanka Euro 2024.
Waxaa caawa wada ciyaari doono xulalka kala ah Spain & Croatia tartanka Euro 2024 kulankooda furintaanka ciyaaraha Guruubka B
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Luka Modric ayaa rajeynayo inuu kula guuleysto tartanka Euro 2024 xulkiisa, waxa u noqon kara tartankiisii ugu dambeeyay uu u ciyaaro xulkiisa Croatia.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid, oo 38 jir ah, ayaa la filayaa inuu hoggaamiyo dalkiisa kulanka furitaanka ciyaaraha group-yada ay wajahayaan xulka Spain caawa ciyaartan oo lagu ciyaari doono magaalada Berlin dalka Jarmalka ku dhawaad labaatan sano kaddib markii uu u saftay xulkiisa Croatia koobkii Adduunka ee 2006.
Sanado badan kaddib, halkaan weli waan joogaa, waana ku faraxsanahay inaan halkaan joogo,” ayuu yiri ciyaaryahanka lixda jeer kula guuleystay Champions League kooxdiisa Real Madrid.
Croatia oo ah xulalka gaaray finalka koobka Adduunka sanadkii 2018 ayaan ka mid ahayn xulalka ugu cad cad ee ku guuleysan karo tartanka Euro 2024.
Spain ayaa isha ku haysa iney ku guuleysato koobkoodii afraad ee qaramada qaaradda Yurub kaddib markii ay ku guuleysteen sanadihii 1964, 2008 iyo 2012-kii.
Waxaan ku qanacsanahay inaan heli doono fursad aan ugu dagaalami karno tartanka Euro 2024, ayuu yiri tababare Luis de la Fuente oo hoggaaminayo.
Xulka Spain waxaa ka soo muuqday 16-jir khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona Lamine Yamal, kaas oo noqon doonaa ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee abid tartanka qaramada Yurub haddii uu ciyaaro caawa.
Lamine Yamal, waxa uu ku dhashay Spain waxaana dhalay waalidiin u dhashay Morocco iyo Equatorial Guinea waxa uu gool u dhalliyay xulkiisa isreeb-reebka tartanka Euro 2024.
Yamal xitaa ma uusan dhalan markii kabtanka xulka Croatia Modric uu saftay kulankiisii ugu horeysay ee koobkii adduunka ee 2006 ee lagu qabtay dalka Jarmalka.
Mar uu ka hadlay tababaraha xulka Spain De la Fuente waxa uu yiri waa wiil yar, oo leh karti cajiib ah
Rikoorka haatan ee ciyaaryahanka ugu da’da yar Euro waa haysta Kacper Kozlowski oo Poland u dhashay wuxuu u saftay xulkiisa isgoo jiro da’da 17 sano iyo 246 maalmood ciyaar ku dhammaatay 1-1 oo ka tirsanayd tartanka Euro 2020 wareega group-yada waxuu ka hortagay xulka Spain June 2021.
Wararka labada xul:
Daafaca reer Spain Aymeric Laporte ayaa seegay tababarkii khamiista kaddib xanuun dhanka muruqa ah, xulka Spain waxay adeegsadeen 40 ciyaartoy oo kala duwan isreeb-reebka Euro 2024.
Josko Gvardiol oo u dhashay dalka Croatia ayaa ka hor imaan doona saaxiibkiis kooxda Manchester City ee Rodri.
Ivan Perisic ayaan weli ku jirin taam ahaansho 100% kaddib dhaawac halis ah oo jilibka ka soo gaaray, waxaana laga yaabaa inuu ku soo bilowdo kursiga keydka Croatia.
Xaqiiqooyinka ciyaarta
Guuldaradda ugu weyn ee Croatia waa guuldaradii 6-0 ee ka soo gaartay xulka Spain ciyaar ka dhacday sannadkii 2018, Kana tirsanayd tartanka Nations League
Waa markii 7-aad ee Croatia ay ka soo muuqato koobka qaramada Yurub, waxay seegeen hal mar kaliya sanadkii (2000) tan iyo markii ugu horreysay ee tartanka ay ka soo qayb-galaan sanadkii 1996.
Spain waxay ku hartay heerka guruubyada 1988 markaas oo Euro lagu qabtay galbeedka Germany.
Ogeysiiska Ciyaarta
Taariikhada Sabti 15 Jun 2024
Garoosaraha kulanka waa Michael Oliver oo u dhashay (England)
Garoonka ciyaarta ka dhaceyso waa Olympiastadion
Watiga geeska afrika 7:00 PM
WQ/Daacad