Horudhac Euro 2024: Italy vs Albania – Xulka Azzurri oo caawa bilaabaya difaacashadooda koobka qaramada Yurub
Xulka lagu naynaaso The Azzurri ayaa xafidanaya koobka qarammada Yurub kaddib markii ay England ku garaaceen gool ku laadyo final-kii ka dhacay garoonka Wembley sanadkii 2021.
Xulka Albania oo kaalinta 66-aad kaga jirta qiimaynta xulalka adduunka ee FIFA ayaa markii labaad ka soo muuqanaya tartan wayn.
Albania waxaa maamula oo Macallin u ah daaficii hore ee Kooxaha Arsenal iyo Manchester City ee Sylvinho.
Xualka Italy iyo Albania ayaa Group-ka B ee tartanka EURO 2024 kula jira dalalka Spain iyo Croatia.
Ogeysiiska ciyaarta:-
Kulanka: Xulalka Italy vs Albania.
Tartanka: EURO 2024.
Taariikhda: 15 June 2024.
Saacadda: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Signal Iduna Park.
Garsooraha ciyaarta: Felix Zwayer (Germany).
Wararka labada kooxood:-
Davide Frattesi oo ka ciyaara khadka dhexe ee wax weerara, kaasoo saddex gool ka dhaliyey isreeb-reebkii tartankan ayaa laga yaabaa inuu diyaar u noqdo caawa inuu ciyaaro xulkiisa qaranka Italy markii uu ku soo laabtay tababarka kaddib dhaawac yar oo gumaarka ah oo uu la maqnaa.
Nicolo Barella oo isna ka tirsan qaranka Talyaaniga ayaa si gooni gooni ah u tababartay todobaadkan, isagoo ka soo kabanaya dhaawac dhanka muruqa ah.
Tababaraha Xulka qaranka Albania ee Sylvinho ma jiro wax dhaawac ah oo uu ka walwalo kulankan dhammaan ciyaartoydiisa ayaana taam u ah.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:-
-> Xulka Italy ayaa markii 8-aad oo xiriir ah ka soo muuqanaya koobka qaramada qaaradda Yurub kaddib markii ay u soo bixi waayeen tartankii Euro 1992.
-> Kani waa kulankii saddexaad ee Talyaanigu ku ciyaaro Dortmund, kaddib markii ay 2-0 ku badiyeen waqtigii dheeriga ahaa kulan ay la ciyaareen Germany semi-finalkii Koobka Adduunka ee 2006 iyo barbaro 1-1 ah oo ay la galeen isla Germany sanadkii 2011, taasoo ka dhigay inay guushoodii ugu horreysay raadinayaa Italy marka ay ku ciyaarayaan Dortmund.
-> Xulka qaranka Talyaanigu waxa uu ku guuleystay koobkii adduunka 2006 ee lagu qabtay dalka Jarmalka, iyadoo waddankan uu marti-geliye ka yahay sanadkan tartanka EURO 2024.
-> Taabaraha xulka qaranka Albania ee Sylvinho waa macallinkii labaad ee u dhashay Brazil ee Tababare ka noqda tartanka Euro, kaddib Luiz Felipe Scolari (Portugal).
-> Sylvinho oo haatan hoggaaminaya xulka Albania waxa uu ka mid ahaa shaqaalihii Roberto Mancini ee Kooxda Inter Milan intii u dhaxaysay 2014 ilaa 2016.
-> Xulka Albania ayaa isticmaalay 26 ciyaaryahan oo kala duwan intii lagu guda jiray isreeb-reebka, waana inta ugu yar dhammaan kooxaha u soo baxay Euro 2024.
Shaxda macquulka ah oo ay ku soo geli karaan labada xul:-
Italy: Donnarumma; Di Lorenzo, Bastoni, Calafiori, Dimarco; Barella, Jorginho; Chiesa, Frattesi, Pellegrini; Scamacca.
Albania: Berisha; Hysaj, Djimsiti, Ajeti, Mitaj; Asllani, Ramadani, Bajrami; Seferi, Asani, Broja.
Astaan Sports