Breaking NewsLatest NewsPremier LeagueWararkaWARARKA MAANTA

Xulka qaranka Germany oo guul weyn ku furtay koobka qaramada Yurub ee UERO 2024

Xulka qaranka Germany ayaa guul ku furtay tartanka koobka qaramada Yurub ee EURO 2024 kaddib markii ay xasuuqeen xulka Scotland.

Marti-geliyeyaasha tartanka EURO 2024 ee Germany ayaa 5-1 ugu awood sheegtay xulka qaranka Scotland oo kaarka cas laga qaaday kuna ciyaarayay 10 xiddig.

Florian Wirtz ayaa daqiiqaddii 10-aad hoggaanka u dhiibay xulka qaranka Jarmalka, waxaana uu sidaas ku noqday laacibka dhaliyey goolkii ugu horreeyey ee EURO 2024.

Florian Wirtz waa xiddigii ugu da’da yaraa abid ee xulka Jarmalka gool u dhaliya tartanka koobka qaramada Yurub dhanka ragga, waxaa uu rikoorkaas ka jabiyey Kai Havertz oo haystay, waxaana uu xalay goolkaas dhaliyey isagoo jira 21 sano iyo 42 maalmood.

Xulka Germany ayaan xalkaas ku sii joogsan waxaana daqiiqaddii 19-aad ay la yimaadeen goolka labaad ee ciyaarta, waxaana hoggaanka u dheereeyey oo kulanka ka dhigay 2-0 xiddigooda Jamal Musiala.

Taasi waxay ka dhigan tahay inay tahay markii ugu horreysay ee koobka qaramada Yurub ay goolal ka wada dhaliyaan hal kulan labo ciyaaryahan oo da’doodu tahay 21 ama ay ka yar tahay, waana Wirtz iyo Musiala oo xalay noqday labada xiddig ee ugu da’da yar xulka Jarmalka oo gool ka dhaliya tartankan taariikhda.

Kai Havertz ayaa dhammaadkii qeybtii hore ee ciyaarta inta aan la aadin qeybta nasashada waxa uu kulanka ka dhigay 3-0 oo ay ku hoggaaminayeen xulka Germany kaddib markii uu gool u rogay rigoore lagu abaal-mariyey.

Taasi waxa ay ka dhigan tahay in Kai Havertz uu gool dhaliyey mid kalena caawiyey kulankii xalay weliba intii lagu guda jiray qeybta hore, ciyaartaasoo ahayd furitaanka Euro 2024.

Qaybtii dambe ee ciyaarta xulka qaranka Germany ayaa wacdarihiisa sii waday waxaana 4-0 ka dhigay kulanka Füllkrug daqiiqaddii 68-aad.

Xulka Scotland oo kaarka cas laga qaatay ayaa daqiiqaddii 86-aad helay gool sharafeed, waana halka gool ee ay la yimaadeen kulanka, kaasoo ahaa mid uu si qaldan isaga dhaliyay daafaca xulka Germany ee Antonio Rudiger, kaas madax uu ku leexiyey shabaqa xulkiisa uu ciyaarta kaga dhigay 4-1.

Laakiin xulka Germany ayaa soo afjaray goolasha ciyaarta, waxaana gool qurux badan oo ka garaacay bannaanka xerada ganaaxa u dhaliyay xiddigooda Emre can, kaas ciyaarta ka dhigay 5-1 ay ku adkaadeen xulka qaranka Germany.

Xasuuqaas uu xulka Germany u geystay Scotland ayuu ku furtay guul koobka qarammada Yurub ee EURO 2024 oo ay marti-gelinayaan sanadkan.

Jamal Musiala ayaana la guddoonsiiyey abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa ciyaarta.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button