WARARKA MAANTA

Horudhac: Turkey & Georgia oo markii ugu horreysay ku kulmi doono Euro 2024.

Xulalka kubbadda cagta Turkey & Georgia ayaa markii ugu horreysay ku kulmi doono tartanka kubbadda cagta qaramada qaaradda yurub ee Euro 2024, kulankan ayaa ka dhici doono garoonka Signal Iduna Park.

Wararka labada xul

Tababare Willy Sagnol ayaa sheegay in Georgia ay wax kasta ay ku bixin doonto  Euro 2024 si ay u gaaraan halka ugu sareysa tartanka.

Georgia ayaa wajihi doonta xulka Turkey kulankooda ugu horreeya ee Group F Euro 2024, xulka Georgia ayaa u soo baxay koobkoodii  ugu horreeyay ee caalami ah kaddib markii ay rigoorayaal ay ku garaaceen Greece finalkii Play-offka ee loogu soo baxayay Euro 2024.

Turkiga ayaa ku guuldareystay inay ka soo baxaan wareegga group-yada labadii tartan ee hore, laakiin tababare Vincenzo Montella ayaa indhaha ku haya kulankooda furitaanka ay wajahayaan Georgia.

Waxaan rabnaa inaan taageereyaasheenna ka farxino oo aan u ciyaarno si xamaasad iyo geesinimo leh ayuu yiri Montella.

Waxaa jiro ciyaartoy nooga maqan dhaawac ahaan laakiin waxaan heysanaa ciyaartoy isku dhaf ah oo da’yar ah lehna karti sida Calhanoglu oo kale kuwaasoo khibrad u leh tusaaleyaal lagu daydo, marka waxaan heysanaa fursad.

Xaqiiqooyinka ciyaarta

Labadan xul waligood kuma kulmin tartan weyn laakiin Turkiga ayaa badiyay saddex kulan oo ka mid ah kulamada saaxiibtinimo ay ciyaareen halka hal kulan ay adkaatay Georgia ciyaarta kalena barbaro ayay galeen.

Xulka Georgia ayaa rigoorayaal kaga adkaaday xulka Greece ciyaartii finalka ee play-offka si ay ugu soo baxaan tartankoodii ugu horreeyay.

Turkiga ayaa ku guuldareystay inay ka soo baxaan wareegga Group-yada Euro 2020 kaddib markii ay guuldarro kala kulmeen xulalka kala ah Italy, Wales iyo Switzerland.

Labadan dhinac ma aysan kulmin tan iyo 2012, markaasoo Turkiga uu 3-1 ku adkaaday, Turkiga ma badin furitaanka shantii kulan ee horey u soo ciyaareen koobka qaramada Yurub.

Arda Guler ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Turkish ah ee ku guuleystay tartanka Champions League waxa uu kursiga keydka fadhiyay guushii Real Madrid ay ka gaartay kooxda Jarmalka ka dhisan fiinaalka Chmapion league.

Safka macquulka ah ee Turkiga ku soo bilaan karo:
Gunok; Ayhan, Demiral, Bardakci, Kadioglu; Ozcan, Calhanoglu; Guler, Yildiz, Akturkoglu; Yilmaz

Safka suurtagalka ah ee ku soo bilaaban karo Georgia:

Mamardashvili; Kverkvelia, Kashia, Dvali; Kakabadze, Kiteishvili, Kochorashvili, Shengelia, Chakvetadze; Kvaratskhelia, Mikautadze

Ogeysiiska ciyaarta

Taariikhda ciyaarta Talaado 18-ka Juun 2024

Garsooraha kulanka waa Facundo Tello oo u dhashay  (Argentina)

Garoonka lagu ciyaarayo waa (Signal Iduna Park)

Waqtiga 7:00 Pm fiidnimo xilliga magaalada Muqdisho.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button