Premier LeagueWararkaWARARKA MAANTA

Horudhac Euro 2024: Portugal vs Czech Republic – CR7 oo rikoor cusub dhigi kara.

Xulka qaranka Portugal ayaa wajahaya Czech Republic kulankooda furitaanka ah tartanka koobka qaramada Yurub ee EURO 2024.

Daafaca xulka qaranka Portugal ee Ruben Dias ayaa ku tilmaamay Cristiano Ronaldo inuu yahay dhiirri-geliya, isagoo CR7 isku diyaarinayo inuu taariikh sameeyo kana soo muuqdo koobkii lixaad ee qaramada Yurub.

Weeraryahankan halyeyga ah ee CR7 ayaa ciyaaray markii ugu horreysay tartanka EURO sanadkii 2004, waxaana tan iyo markaas uu dheelay koob kasta oo qaramada Yurub ah.

Haddii uu xagaagan gool ka dhaliyo tartanka EURO ee ka socda Germany, waxa uu sidoo kale noqon doonaa xiddiga ugu da’da weyn abid ee gool ka dhaliya tartankan.

Xulka Portugal ayaa ku jira Group F waxaana ay tartanka EURO 2024 ku bilaabanayaan inay wajahaan xulkii gaaray final-ka tartanka sanadkii 1996-dii ee Czech Republic.

Daafaca Manchester City ee Dias ayaa wax laga weydiiyay waxa ay ka dhigan tahay in la arko Ronaldo oo isku diyaarinaya inuu dalkiisa ku hoggaamiyo Euro 2024 isagoo 39 jir ah, waxa uuna ayaa yiri: “Waxay u taagan tahay dhiirrigelin, wax walba iyo wax kasta, waxay u taagan tahay waxaad ku riyoon karto oo aad ku guuleysan karto.”

Dhinaca kale Tababaraha Xulka qaranka Portugal ee Roberto Martinez ayaa carabka ku adkeeyay in Ronaldo uu haysto wax badan oo uu ku soo bandhigi karo masraxa caalamiga ah, iyagoo raadinaya inay ku guuleystaan ​​​​koobka qaramada Yurub markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2016.

Tan iyo markii uu qabtay xilka Czech Republic bishii Janaayo, tababare Ivan Hasek waxa uu naalloonayaa guulo saaxiibtinimo oo ay ka gaareen xulalka Norway, Armenia, Malta iyo North Macedonia.

Kani waxa uu noqon doonaa kulankiisii ​​ugu horreeyay ee tartan rasmi ah, waxaana uu ku wargeliyey ciyaartoydiisa inay meesha ka saaraan halista Cristiano Ronaldo.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Kulanka: Xulalka Portugal vs Czech Republic.

Tartanka: EURO 2024.

Taariikhda: 18 June 2024.

Saacadda: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Red Bull Arena Leipzig

Garsooraha ciyaarta: Marco Guida (Italy)

Wararka labada kooxood:-

Labada daraf ee garoonka waxaa ka jira khibrad badan oo xulka Portugal ah, iyadoo Pepe iyo Cristiano Ronaldo ay ku soo bilaaban doonaan difaaca iyo weerarka kulanka caawa ee Czechia.

Tababare Roberto Martinez waxa uu haystaa koox taam ah oo uu ka soo xusho xiddigaha ugu bilaabanaya safka hore xulkiisa Portugal.

Dhinaca kale Michal Sadilek ayaa ku qasbanaaday in laga saaro xulka Czechia ka hor tartankan.

Tani waxay dharbaaxo ku noqotay Tababare Ivan Hasek oo khadka dhexe ku soo bilaabi lahaa haddii uu laacibkani taam ahaan lahaa.

Czech Republic ayaa la filayaa inuu daafaca dambe ku soo galo saddex xiddig oo kaliya.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

-> Xulka qaranka Portugal ayaa adkaaday mid kasta oo ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeeyay ee ay wajahday Czech Republic tartammada oo dhan, waxa uu ka dhaliyey muddadaas 10 gool, waxaana laga dhaliyey kaliya hal gool, iyagoo Portugal shabaqooda gool ka ilaashaday mid kasta oo ka mid ah saddexdii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajaheen Czech.

-> Portugal ayaa ah xulka kaliya ee gaartay wareegga 16-ka ee Euro mid kasta oo ka mid ah todobadii koob ee la soo dhaafay, waxaana ay si xiriir ah u gaarayeen wareegga 16-ka koobka qaramada Yurub laga soo bilaabo tan iyo sanadkii 1996-dii.

-> Portugal ayaa sidoo kale ahaa xulka kaliya ee 100% badiyey kulamadooda isreeb-reebka EURO 2024, waxay sidoo kale dhaliyeen goolal ka badan xulkasta oo kale waana 36 gool, halka ay soo bandhigeen rikoorkoodii difaacasho ee ugu fiicnaa iyadoo laga hdaliyey kaliya 2 gool 10 kulan oo ay ciyaareen.

-> Kaliya labo ka mid ah 24-kii kulan ee ugu dambeeyay xulka Czech Republic ee Euro ayaa ku dhammaaday barbaro, kulamada kalena waxa ay ka wataan 10 gool iyo 12 guuldarro, labada kulan ee ay barbaraha galeenna waxay ka heleen xulka Croatia waana 2-2 heerka guruubyada 2016 iyo 1-1 wareegga Guruubyada 2020.

-> Cristiano Ronaldo ayaa hasta rikoorka safashada ugu badan EURO oo ah 25 kulan iyo goolasha ugu badan EURO oo ah 14 gool, waxaana uu kaalinta labaad ka joogaa xiddigaha ugu caawinta badan tartankan.

Shaxda macquulka ah oo ay ku soo geli karaan labada xul:-

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button