WARARKA MAANTA

Horudhac: Croatia & Albania  maxaa laga qoray Euro 2024.

Croatia oo si la mid ah guuldarro ku furtay koobkii Euro 2020-kii ayaa galabta wajahayso xulka Albania oo laga soo adkaaday kulankoodii koowaad tartanka Euro kaddib markii ay guuldarro kala kulmeen xulka Italy.

Wararka labada xul:

Rajadii Croatia ee ahayd inay u soo baxaan wareegga 16-ka Euro 2024 waxaa dhabar jab ku noqotay  ciyaaryahanka khadka dhexe Nikola Vlasic oo dhaawac muruqa ah looga saaray tartanka.

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Everton iyo West Ham, una ciyaara kooxda Talyaaniga ee Torino, islamarkaana 56 kulan u saftay xulkiisa, ayaa dhaawac soo gaaray intii lagu guda jiray tababarka.

26-jirkan ayaa sheegay marka la saaro Scan-ka ama baaritaanka kaddib, uu aadayo gurigiisa halkaasi uu ka daawan doono ciyaaraha Euro 2024 haddii xulkiisa u soo baxaan wareegga 16-ka ee tartanka.

Aad ayaan uga xumahay in dhaawacan cusub uu iga reebay inaan caawiyo xulkayga Vlasic ayaa  sidaa yiri.

Xulka Croatia ayaa horey uga soo kabsaday guuldarro ay ku furteen heerka guruubyada Euro 2020-kii taaso oo ka soo gaartay xulka England waxayna ka soo baxeen guruubka, sidoo kale koobkii Adduunka ee ugu danbeeyay 2022-kii ayay gaareen afar dhammaadka kaddib markii ay guuldaro kala kulmeen Morocco kulankoodii ugu horeeyay tartanka.

Ma jirto rajo-xumo aan qabno wax walba wali gacanteenna ayay ku jiraan ayuu u sheegay warbaahinta macalinka xulka Croatia Dalic.

Ma jiraan wax dhaawacyo ama ganaaxyo ay qabaan xulka Albania

Xaqiiqooyinka ciyaarta:

Kulankan ayaa noqon doona kulankii ugu horreeyay ee dhexmara Croatia iyo Albania tartan kasta. Albania ayaa badisay kaliya hal kulan 10-kii kulan ee ugu dambeeyay markii ay wajaheen xul qaran markii ugu horreysay (5 Barbaro iyo 4 Guuldarro), iyagoo 3-1 ku garaacay Faroe Islands bishii June ee 2023.

Xulka Croatia ayaa Euro 2024 ku furtay guuldarro 3-0 ah oo ay kala kulmeen Spain, inkastoo aan laga badin kulamo xiriir ah hal tartanka weyn tan tan iyo Euro 1996, markaasoo guuldarro 3-0 ay ka soo gaartay Portugal iyo Guuldarro 2-1 oo ay kala kuleen Germany.

Albania ayaa laga badiyay saddex ka mid ah afartii kulan ee ay ciyaareen tartanka qaramada Yurub, waxaana kulanka ay heleen guul, laakiin waxa ay dhaliyeen hal gool Euro 2024 waana goolal la mid ah inta ay dhaliyeen tartanka sanadkii 2016 oo hal gool ay dhaliyeen saddex kulan oo ay ciyaareen sanadkaas.

Croatia ayaa laga badiyay saddex ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeeyay oo ay ciyaareen tartan rasmi ah, halka labada kulan ee kale ay guul gaareen, waxaana ka badiyay Turkey (1-0), Wales (2-1) iyo Spain 3-0 ku garaacday tartankan hadda socda, waana in la mid ah guuldarrooyinkii ay la kulmeen 29-kii kulan ee hore marka la isku daro tartammada oo dhan tartamada oo dhan (16 Guul iyo 10 Barbaro).

Guuldarradii Albania ka soo gaartay Italy kulankii ugu dambeeyay waa guuldarradii ugu horreysay ee tartan rasmi ah tan iyo bishii March 2023 oo guuldarro 1-0 ah kala kulmeen Poland, waxaana guuldarradaas ay soo afjartay todoba kulan oo xiriir ah oo aan laga badinin (4 Guul iyo 3 Barbaro). Lagama badin kulamo xiriir ah ee tartan rasmi ah tan iyo Sebtember 2022, guuldarrooyin xiriir ah oo League Nations ah oo ka soo gaaray Israa’iil.

Croatia ayaa ku guuldarreysatay inay gool ka dhaliso ciyaartii furitaanka ee ay la ciyaareen Spain oo looga adkaaday 3-0, inkastoo ay heleen 16 laad, tani waxay ahayd isku daygoodii ugu sarreeyey ee ay gool ku raadiyaan ciyaar ka tirsan tartan weyn sida Koobka Adduunka ama Euro kaas oo aysan ku guulaysan inay gool dhaliyaan.

Safka macquulka ah ee ku soo bilaaban karo Croatia:
Livakovic; Stanisic, Sutalo, Gvardiol, Sosa; Modric, Sucic, Kovacic; Majeer, Budimir, Kramaric

Safka macquulka ah ee ku soo bilaaban karo Albania:
Strakosha; Hysaj, Ismajli, Djimsiti, Mitaj; Asllani, Ramadaani; Laci, Bajrami, Asani; Broja

Ogeysiiska ciyaarta:

Taariikhda ciyaarta Arbaco 19-ka Juun 2024

Garsooraha kulanka waa Francois Letexier oo u dhashay (France)

Garoonka lagu ciyaarayo waa (Volksparkstadion)

Waqtiga 4:00 Pm galabnimo xilliga magaalada Muqdisho.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button