Premier LeagueWararkaWARARKA MAANTA

Horudhac Euro 2024: Germany vs Hungary – Jarmalka oo doonaya inuu gaaro guushiisii labaad oo xiriir ah.

Julian Nagelsmann ayaa rajaynaya in Xulkiisa Germany ay u ciyaari doonaan si la mid ah sidii ay u ciyaareen kulankii ay guusha ka gaareen Scotland marka ay caawa wajahaan Hungary.

Martigaliyeyaasha Euro 2024 ayaa guul 5-1 ku billowday tartankan, waana guushii ugu weyneyd ee la gaaro kulan furitaan u ah Euro.

Macallinkii hore ee kooxaha Hoffenheim, RB Leipzig iyo Bayern Munich ee Nagelsmann ayaa marar badan tagay garoonka caawa lagu ciyaarayo ee naadiga VfB Stuttgart isagoo ku soo dheelay kulamo badan oo horyaalka Bundesliga ah, waxaana uu rajeynayaa in taageerayaasho ay jawi kale ka abuuraan ciyaarta caawa.

Daafaca Xulka Germany ee Maximilian Mittelstadt oo sidoo kale u ciyaara kooxda Stuttgart ayaa isha ku haya inuu ku dheelo garoonka kooxdiisa, laakiin waxa uu og yahay in aysan taasi fududayn.

Dhanka kale, Macallinka xulka Hungary ee Marco Rossi ayaa Germany ku tilmaamay xulka ugu adag ee ay la ciyaaraan hadda kaddib markii ay qaab ciyaareed cajiib ah ku furteen tartanka ay ku ciyaarayaan ciiddooda.

Laakiin tababaruhu waxa uu rajaynayaa inuu arko falcelinta ciyaartoydiisa kaddib guuldarradii 3-1 ee ka soo gaartay Switzerland, taasoo ka dhigtay in kaalinta saddexaad kaga jiraan Group-kooda A.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Kooxda Union Berlin iyo Xulka Hungary ee Andras Schafer ayaa rajeynaya in aqoonta ay u leeyihiin xulka Jarmalka ay caawin doonto iyaga.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Kulanka: Xulalka Germany vs Hungary.

Tartanka: EURO 2024.

Taariikhda: 19 June 2024.

Saacadda: 07:00 Fiidnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Stuttgart Arena.

Garsooraha ciyaarta: Danny Makkelie (Netherlands).

Wararka labada kooxood:-

Thomas Muller ayaa u muuqday mid jug ka soo gaartay guushii xulkiisa Germany ka gaaray Scotland, laakiin Macallin Nagelsmann ayaa ku adkaystay in uusan jirin wax walaac ah oo haysta, isla markaana uu haysto koox dhammaystiran oo badqabta.

Tababare Julian Nagelsmann ayaa laga yaabaa inuusan wax isbeddel ah ku sameynin safkii xasuuqay xulka Scotland furitaankii tartankan.

Dhinaca kale ma jiraan dhaawacyo cusub oo soo gaaray xulka Hungary.

Bendeguz Bolla oo beddel ku soo galay qeybta nasashada kulankii ay guuldarrada kala kulmeen Switzerland ayaa noqon kara isbeddelka kaliya ee halkan ka jira.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

-> Kulankan ayaa noqon doona kulankii afaraad ee ay isku arkaan Germany iyo Hungary oo ka tirsan tartan weyn. Saddexdii kulan ee hore waxa ay iska dhaliyeen 20 gool, celcelis ahaan waxaa la dhalinayey 6.7 kulan kasta. Hungary ayaa goolasha daah furtay mid kasta oo ka mid ah saddexdaas ciyaarood.

-> Xulka Germany ayaa adkaaday kaliya hal kulan lixdii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ciddooda kula ciyaareen dhiggooda Hungary.

-> Xulka Germany ayaa isha ku haya inuu markiisii shanaad badiyo labadiisa kulan ee ugu horreeya ciyaaraha EURO, kaddib markii labadooda kulan ee furitaanka tartanka ay guul ku billowdeen sanadihii 1972, 1980, 1996 iyo 2012-kii.

-> Hungary ayaa guul la’aan ah todobadeedii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ciyaartay Euro tan iyo markii ay 2-0 ku garaaceen xulka Austria wareegga group-yada tartankan sanadkii 2016.

-> Waxa laga yaabaa Hungary inay in laga badiyo labo kulan oo xiriir ah hal koob oo tartankan ah markoodii labaad kaddib sanadkii 1972.

-> Kai Havertz ayaa si toos ah ugu lug lahaa 13 gool 9 gool oo uu dhaliyey iyo 4 caawin oo sameeyey 18-kiisii kulan ee ugu dambeeyay oo 14 ka mid ah uu safka hore ugu billowday xulkiisa Germany tartamada oo dhan.

-> Barnabas Varga ayaa dhaliyay todobo gool sagaal kulan oo uu safka hore ugu bilowday xulkiisa Hungary tartamada oo dhan.

Shaxda macquulka ah oo ay ku soo geli karaan labada xul:-

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button