WARARKA MAANTA

Horudhac: Austria & Poland maxaa laga qoray Euro 2024..?

Labada xul ayaa wada ciyaari doono kulankooda labaad Guruubka D Austria & Poland ayaa laga soo adkaatay kulankooda koowaad waxaana xul kasto uu raadinayaa guushiisa ugu horreyso tartanka Euro 2024.

Wararka labada xul:

Inkastoo la filayo in Lewandowski uu diyaar u noqdo kulankaan, tababare Probierz ayaa laga yaabaa inuu doorto inuu kaydka ku soo bilaabo weeraryahanka Barcelona.

Karol Swiderski ayaa sidoo kale dhaawac ka qabay ciyaartii Netherland, laakiin wuxuu beddel ku soo galay qeybtii labaad, weeraryahanka ayaa laga yaabaa inuu beddelo Kacper Urbanski.

Jakub Moder iyo Bartosz Slisz ayaa labaduba waxay haystaan fursad ay ugu sooo bilaaban  karaan khadka dhexe, inkastoo macalinka xulka Poland Probierz laga yaabo inuu wax badan ka bedelo shaxdiisa.

Dhanka kale tababare Rangnick ayaa sidoo kale ka fiirsan doona inuu wax ka beddelo  kooxdiisa, laakiin Marko Arnautovic ayaa ku soo laaban karo kulankan mar kale.

Patrick Wimmer ayaa dhanka garbaha, loo addeegsan karaa halka Marcel Sabitzer loo isticmaali doono khadka dhexe.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:

>-Adam Buksa ayaa isha ku haya inuu noqdo ciyaaryahankii ugu horreeyay ee u dhashay Poland oo gool ka dhalliya labada kulan ee ugu horreeya koobka Qaramada Yurub, tartamada waaweyn, Poland kaliya waxaa horey u sameeyay Grzegorz Lato iyo Andrzej Starmach koobkii Adduunka ee 1974 markii ay wajaheen xulalka Argentina iyo Haiti.

>-Kulankii France, daafaca Austria Max Wöber ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay taariikhda koobka qaramada Yurub gool iska dhaliyay, ciyaartana beddel looga saaray, iyadoo France ay seddex dhibcood ku heshay goolkaasi

>-Kulankan ayaa noqon doona kulankii labaad ee ay Poland iyo Austria ku kulmaan tartan weyn,kaddib markii ay ku kala baxeen barbaro 1-1 ah wareegga group-yada ee EURO 2008 waxay ahayd dhibicda kaliya ee labada dhinac ka heleen.

>-Austria ayaa badisay seddex ka mid ah shantii kulan ee ugu horreysay oo ay la ciyaartay Poland halka labo ka mid ah laga adkaaday intii u dhaxeysay 1935 iyo 1994, hadda wax guul ah ma gaarin shantii kulan ee ugu danbeysay ee Poland (labo barbaro ah iyo saddex guuldarro ah), intii u dhaxeysay 2004 iyo 2019.

>-Poland ayaa guuldarro 2-1 ah ka soo gaartay Netherlands ciyaartii furitaanka ee EURO 2024, laakiin waligood lagama badin kulamo xiriir ah.

>- Poland ayaa hal mar kaliya dhalisay wax ka badan hal gool 15-kii kulan ay ciyaareen koobka qaramada qaarada yurub, waxayna sidaas sameeyeen guuldaradii 3-2 ee  ka soo gaartay Sweden ciyaar ka tirsanayd EURO 2020, waxay shabaqa soo taabteen todobadii kulan ee ugu dambeysay tartankan.

>-Guuldarradii Austria ka soo gaartay France ayaa keentay inay ku guuldareystaan ​​inay gool dhaliyaan markii ugu horreysay 18 kulan, markii ugu dambeysay oo goolal la’aan ahaayeen kulamo xiriir ah, mid ka mid ah kulamadaas wuxuu ahaa kulan ay la ciyaareen France bishii Sebtembar sanadkii 2022.

>-Poland ayaa guuldarro 2-1 kala kulantay Netherlands ciyaartii furitaankaa guruubkooda, waana markii ugu horreysay oo laga adkaado kulan ka tirsan tartanka EURO 2024 iyagoo dhalliyay goolkii ugu horreeyay ee ciyaarta, waxay badiyeen kaliya laba ka mid ah todobadii kulan ay ciyaareen (4-barbaro ah  1-guuldarro ah) koobka qaramada yurub markii ay dhaliyeen goolasha ugu horeeya (29%), waana heerka ugu hooseeya ee qaran kasta oo gool dhaliya in ka badan shan kulan tan iyo markii ugu horraysay Poland ay ka soo muuqato EURO 2008.

Poland safka suurtogalka ah ee ku soo bilaaban karo:

Szczesny; Bednarek, Salamon, Kiwior; Frankowski, Szymanski, Romanczuk, Zielinski, Zalewski; Swiderski, Buksa

Safka suurtagalka ah ee ku soo bilaaban karo Austria:

Pentz; Posch, Danso, Wober, Mwene; Seiwald, Grillitsch; Laimer, Baumgartner, Sabitzer; Arnautovic.

Ogeysiiska ciyaarta:

Taariikhda ciyaarta Khamiis  20-ka Juun 2024

Garsooraha kulanka waa Halil Meler oo u dhashay  (Turkiye)

Garoonka lagu ciyaarayo waa (Olympiastadion)

Waqtiga 7:00 Pm fiidnimo xilliga magaalada Muqdisho.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button