WARARKA MAANTA

Horudhac: England & Denmark maxaa laga qoray Euro 2024.

Xulka England ayaa u soo bixi doona wareegga 16-ka ee Euro 2024, hadii ay caawa ka adkaadaan  xulka Denmark, laakiin tababare Gareth Southgate miyuu sameyn doonaa wax is beddel ah kulanka caawa..?

Wararka labada xul

Kobbie Mainoo ayaa shaaca ka qaaday inuu mar walba diyaar u yahay inuu u ciyaaro Three Lions, khubarada qaar ayaa aaminsan in da’yarka uu ku soo bilaaban doono kulanka Group C, iyagoo u waramayay barnaamijka sida tooska uga baxo BBC One

England ayaa 1-0 kaga adkaatay Serbia kulankoodii furitaanka Axadii hore balse ma muujin ciyaar awood badan, waxaana jira baaqyo ka imaanaya khubarada iyo taageerayaasha iyo ciyaartoydii hore oo ku socoto Southgate inuu sameeyo isbeddel kulanka caawa ay la ciyaarayaan xulka Denmark.

Weli waxaa jirta su’aal ku saabsan booskaTrent Alexander-Arnold ayuu Frank Lampard u sheegay BBC Sport.

Mainoo, 19, waa ciyaaryahankii ugu da’da yaraa 26-ka ciyaaryahan ee kooxda Southgate, waxaana loo yeeray kaddib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kooxdiisa Manchester United qaybtii labaad ee xilli ciyaareedkii 2023-24.

Waxa uu bedel ku soo galay daqiiqadii 86-aad isagoo lagu  bedelay ciyaaryahankii dhalliyay goolka guusha Jude Bellingham, kulankii Serbia.

Laacibka Spain u qaaday Koobkii Adduunka 2010 Cesc Fabregas ayaa yiri Mainoo aad ayuu u da’yar yahay laakiin waxa uu leeyahay awood uu kaga ciyaaro khadka dhexe.

Wayne Rooney, oo u saftay kulankiisii ugu horreyay England isagoo 17 jir ah sanadkii 2003, ayaa ah mid kale oo taageersan Mainoo.

Dhanka wax walaac dhaawac ah ma qabaan ciyaartoyda xulka Denmark waxayna haystaan koox dhammaystiran.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:

England waligood ma badin labada kulan ee furitaanka tartanka qaramada Yurub.

Saddexda libaax ayaa kaliya 12 taabasho ku sameeyay diilinta ganaaxa kulankii Serbia Axadii hore, waana taabashodoodii ugu hoosaysay ay ku sameeyaan diilinta ganaaxa kooxaha ka soo horjeeda kulan ka tirsan koobka qaramada Yurub tan iyo 2012-kii.

England ayaa shabaqeeda ilaashatay shantii kulan ee ugu dambeeyay heerka guruubyada ee Euro, waana rikoorka ugu dheer taariikhda tartankan.

Danmark ayaa badisay kaliya hal kulan lixdii kulan ee ugu danbeysay heerka group-yada Euro waxay la kulmeen hal barbaro iyo afar guuldarro ah kaliya waxay 4-1 ku garaaceen Russia 2020 Euro si ay u xaqiijiyaan u soo bixitaanka wareega 16-ka.

Danmark ayaa dhamaystirtay 583 baas waxayna saxeen 89% baasaska kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen Slovenia axadii, labada rikoor ayaa ah heerkii ugu sareeyay (tan iyo 1980-kii)  koobka qaramada Yurub.

Safka macquulka ah ee ku soo bilaaban karo  Denmark:

Schmeichel; Andersen, Christensen, Vestergaard; Bah, Hjulmand, Hojbjerg, Kristiansen; Eriksen; Wind, Hojlund

Safka macquulka ah ee ku soo bilaaban karo England:

Pickford; Walker, Stones,, Guehi, Trippier; Alexander-Arnold, Rice;  Saka, Bellingham, Foden; Kane

Ogeysiiska ciyaarta:

Taariikhda ciyaarta Khamiis  20-ka Juun 2024

Garsooraha kulanka waa Artur Dias oo u dhashay  (Portugal)

Garoonka lagu ciyaarayo waa (Deutsche Bank Park)

Waqtiga 7:00 Pm Fiidnimo xilliga magaalada Muqdisho.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button