Premier LeagueWararkaWARARKA MAANTA

Horudhac Euro 2024: Spain vs Italy – Labadan midkii adkaada oo u soo bixi doona wareegga 16-ka.

Macallinka qaranka Italy ee Luciano Spalletti ayaa sheegay in xulkiisu uu u ciyaari doono si xarago leh marka ay caawa wajahayaan dhiggooda Spain.

Labada xul ee Italy iyo Spain ayaa soo adkaaday kulamadoodii furitaanka u ahaa tartanka EURO 2024, walo ay ku kala duwan yihiin natiijooyinka ay ku soo badiyeen.

Xulka Spain ayaa 3-0 ku dhaafay Croatia, halka xulka difaacanaya koobka qaramada Yurub ee Italy gool deg deg ah looga naxsaday 23 ilbiriqsi kaliya kulankoodii furitaanka ee ay la ciyaareen Albania, waxaana uu ahaa goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa ee laga dhaliyo tartanka EURO taariikhda.

Xulka Italy ayaa ka soo kabsaday goolkaas lagu hoggaamiyey, waxaana ay ku adkaadeen 2-1, laakiin Spalletti ayaa ku adkaystay in xulkiisu ay diyaar u yihiin inay ku ciyaarto aqoonsigooda qaran kulanka ka dhacaya Gelsenkirchen.

Spalletti waxa uu sheegay in ciyaartoydiisu ay u baahan yihiin inay ilaashadaan heerkooda sare iyo feejignaantooda inta ay ciyaartu socoto, laga bilaabo marka la afuufo seeriga ugu horreeya.

Spalletti waxa uu qabtay shaqada Italy kaddib markii Tababare Roberto Mancini uu dalkiisa ku hoggaamiyay guushii Euro 2020 oo ay ku jirto inuu afar dhammaadka tartankaas ku garaacay Spain, waxaana uu xagaagii hore tagay dalka Saudi Arabia.

65-sano jirkaan ayaa noqday tababaraha Talyaaniga dhowr bilood kaddib markii uu kooxda Napoli ku hoggaamiyay horyaalkoodii ugu horreeyay ee Seria A tan iyo 1990-kii.

Xulkii guul gaara caawa labaad dal ayaa u soo bixi doonta wareegga 16-ka, kaddib markii ay Albania barbaro 2-2 ah la galeen Croatia.

Xulalka Spain iyo Italy ayaa isku wajahay semi-finalka koobka qaramada Yurub ee la soo dhaafya, xulka Talyaaniga ayaana gool ku laadyo ku adkaaday kulankii ka dhacay garoonka Wembley.

Lamine Yamal oo 16 jir ah ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee ciyaarta taariikhda Euro kulankii ay wajaheen Croatia ayaa markale ku soo bilaaban kara kulanka caawa.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Kulanka: Xulalka Spain vs Italy.

Tartanka: EURO 2024.

Taariikhda: 20 June 2024.

Saacadda: 10:00 Habeenimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: VELTINS-Arena.

Garsooraha ciyaarta: Slavko Vincic (Slovenia)

Wararka labada kooxood:-

Xulka Spain ayaa la filayaa inuu caawa dib u helo kabtankooda Alvaro Morata kaddib markii ay jug ka soo gaartay kulankii Croatia.

Daafaca Aymeric Laporte ayaa ku dhow inuu ka soo laabto dhaawac muruqa ah, balse kulankan ayaa la filayaa inuu hoosta ka soo galo oo uusan ciyaarin.

Xiddiga xulka qaranka Itlay ee Nicolo Fagioli ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kaddib markii uu seegay kulankii Albania isagoo dhaawac la maqnaa, waxaana laga yaabaa inuu ciyaaro kulanka caawa.

Federico Chiesa oo dhaawac fudud sheeganayay isla markaana la beddelay kulankii ay Sabtidii wajaheen Albania ayaa laga yaabaa inuu ku soo billowdo kulanka caawa ka dhacaya Gelsenkirchen.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

-> Kulankan ayaa noqon doona kulankii 11-aad ee ay Spain iyo Italy ku kulmaan tartan weyn, waana rikoor u dhexeeya labo wadan oo Yurub ah, waana koobkii shanaad oo xiriir ah oo ay ku kulmaan tartanka qaramada Yurub, laga soo bilaabo sanadkii 2008dii.

-> Marka laga saaro rigoorayaal, Italy ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 10-kii kulan ee ay la ciyaareen Spain Tartanka Euro iyo Koobka Adduunka – waxaana taasi ahayd guuldarro 4-0 ah oo loo saariyey Italy finalkii Euro 2012-kii.

-> Xulka Spain ayaa badiyay dhammaan saddexdii kulan ee ay hore ula ciyaartay xulalka markaas difaacanaya tartanka, iyagoo gaaray final-ka koob kasta oo ay sidaas sameeyeen, waana 2-1 oo ay uga adkaadeen Soviet Union sanadkii 1964, 1-0 ay ku dubteen West Germany sanadkii 1984 iyo 2-1 ay ku garaaceen Greece sanadkii 2008.

-> Spain kaliya hal kulan ayaa laga badiyay 11-kii kulan ee tartan rasmi ah oo ay ciyaartay intii uu joogay Luis de la Fuente (9 Guul iyo 1 Barbaro), waxaana ay badiyeen mid kasta oo ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeeyay weliba si xiriir ah. Markii ugu dambeysay oo ay guul xiriir ah ka gaareen tartamo rasmi ah waxay ahayd intii u dhaxeysay October 2016 iyo October 2017, iyagoo markaas badiyay siddeed kulan oo xiriir ah.

-> Italy ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 12-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan, waxaana halkaas kulan 3-1 uga adkaaday xulka England oo ay marti u ahaayeen isreeb reebka Euro 2024 bishii October ee lasoo dhaafay.

Shaxda macquulka ah oo ay ku soo geli karaan labada xul:-

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button