WARARKA MAANTA

Horudhac: Serbia & Slovenia wararkii ugu dambeeyay Euro 2024.

Serbia waxay u baahan tahay inay ka soo kabsato guuldaradii 1-0 ahayd ee ka soo gaartay xulka England Axadii, inkastoo ay muujiyeen ciyaar qurux badan ayuu yiri macaclinka Serbia Dragan Stojkovic.

Stojkovic ayaa intaa kudaray in kulankii England ay muujiyeen qaab ciyaareed weyn , waxaan u baahanahay inaan ka soo kabsano kulanka ay la ciyaareeno Slovenia.

Dhanka kale Slovenia ayaa si qurux badan ku bilaabatay Group-ka C, waxayna barbaro 1-1 ah ku kala baxeen Denmark.

Slovenia waligeed ma badin kulan ka tirsan koobka qaramada Yurub waxayna hal guul ka heshay 10 kulan oo ay ciyaareen tartamada waaweyn iyagoo 1-0 ku garaacay  Algeria koobkii Adduunka 2010-kii.

Tababare Matjaz Kek ayaa sheegay inuu wax wayn uu ka rajeynayo xulkiisa Slovenia kulanka galabta, dhammaanteen waxaan dooneynaa inaan gaarno natiijo wax ku ool ah, waxaana dooneynaa inaan cadeyno inaan u qalano inaan u soo baxno wareegga xigga ee tartanka Euro 2024.

Wararka labada xul:

Ciyaartoyda Slovenia ayaa dhammaystay ciyaartii furitaanka iyagoo aan wax dhaawac ah loo geysan, inkastoo Benjamin Verbic oo 25 daqiiqo ka soo kacay kursiga keydka uu qabay dhaawac yar oo ka soo gaaray muruqa ka hor kulankii Denmark.

Ciyaaryahanka reer Serbia Filip Kostic ayaa laga saaray inta ka harsan tartanka, garabka Juventus ayaa dhaawac jilibka ah ka soo gaaray kulankii England, iyadoo Filip Mladenovic la filayo in uu buuxiyo booskiisa kaddib markii lagu beddelay kulankii England.

Kabtan Dusan Tadic, oo ku soo bilowday kursiga keydka kulankii furitaanka, ayaa sidoo kale kusoo bilaaban kara ciyaarta galabta.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:

Lix ka mid ah 8-dii kulan ee horey u wada ciyaareen Slovenia iyo Serbia tartamada oo dhan ayaa ku soo dhammaaday bar-baro iyadoo koox waliba ay hal mar badisay labada kulan ee kale.

Slovenia iyo Serbia markii ugu dambeysay waxay ku kulmeen tartanka Uefa Nations League, bishii Juun 2022, Serbia ayaa 4-1 ku badisay ka hor inta aysan barbaro 2-2 aysan galin toddobaad kaddib.

Dhammaan tartamada, Slovenia ayaa laga badiyay kaliya labo ka mid ah 22-kii kulan ee ugu dambeyay (13 guul iyo 7 barbaro ah), iyagoo 2-0 kaga badiyay Finland sidoo kale waxay 2-1 ay kaga adkaadeen  Denmark sanadkii hore isreeb-reebka Euro 2024.

Weeraryahanka Serbia Aleksandar Mitrovic ayaa dhalliyay gool mid kasta oo ka mid ah labadii kulan ee hore uu kaga horyimid Slovenia, Keliya wuxuu saddex gool ka dhalliyay Lithuania (2018-2019), Luxembourg (2019-2021) iyo Portugal (2019-2021) seddex kulan oo isku xiga ciyaaraha caalamiga ah.

Erik Janza ayaa dhalliyay goolka Slovenia ciyaartii furitaanka 1-1 ay la galeen Denmark, ma jiro ciyaaryahan ku lug lahaa in ka badan iskudayga uu sameeyay Erik Janza  isagoo sameeyay  5 – 3 laad, iyo 2 fursadood uu abuuray kulankii furitaanka.

Safka macquulka ah ee ku soo bilaaban karo Slovenia:
Oblak; Karnicnik, Blazic, Bijol, Janza; Stojanovic, Gnezda Cerin, Elsnik, Mlakar; Sporar, Sesko

Safka macquulka ah ee ku soo bilaaban karo Serbia:
V. Milinkovic-Savic; Veljkovic, Milenkovic, Pavlovic; Zivkovic, S. Milinkovic-Savic, Gudelj, Mladenovic; Tadic; Vlahovic, Mitrovic

Ogeysiiska ciyaarta:

Taariikhda ciyaarta Khamiis  20-ka Juun 2024

Garsooraha kulanka waa Istvan Kovacs oo u dhashay  (Romania)

Garoonka lagu ciyaarayo waa (Allianz Arena)

Waqtiga 4:00 Pm galabnimo xilliga magaalada Muqdisho.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button