WARARKA MAANTA

Horudhac: Ukraine& Slovakia maxaa ka cusub Euro 2024.

Ukraine haddii laga badiyo kulankan waxay halis ugu jiraan iney isaga haraan tartanka Euro 2024 kulanka galabta ay la ciyaari doonaan xulka Slovakia oo soo garaacay Belgium kulankii furitaanka ciyaaraha Guruubka E

Wararka labada xul:

Ciyaaryahanka Kooxda Paris Saint-Germain ee Milan Skriniar ayaa xiran doona calaamada kabtanimo isagoo caawin doono afarta daafac ee dambe ciyaartoyda kala ah David Hancko, Denis Vavro iyo xiddiga labaad ee ugu safashada badan Slovakia ee Peter Pekarik.

Kaddib markii uu saftay kulankiisii ugu horreeyay ee tartanka Euro 2024 Robert Bozenik ayaa hoggaamin doona weerarka Slovakia, 24 jirkaan ayaa rajeynaya inuu wax ku daro todobada gool ee uu u dhalliyay dalkiisa.

Dhanka kale, Ukraine ayaa qiimeyn doonta taam ahaanshaha Vitaliy Mykolenko kaddib markii daafaca Everton uu seegay kulankii furitaanka dhaawac cagta ka soo gaaray kulankii isku diyaarinta ay la ciyaareen Moldova.

Macalinka Ukraine Rebrov ayaa laga yaabaa inuu wax ka beddelo  khadkiisa dhexe, iyadoo Ruslan Malinovskyi uu ku soo bilaaban doono kulanka labaad ee group-yada.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:

>-Slovakia ayaa badisay kaliya labo ka mid ah sideedii kulan ay la ciyaartay Ukraine tartamada oo dhan (3 bar-baro ah iyo 3 guul darro ah), in kastoo mid ka mid ah uu ahaa guul 4-1 kulankii ugu dambeeyay bishii November sanadkii 2018.

>-Slovakia ayaa 1-0 kaga badisay Belgium isniintii waxay ahayd guushoodii afaraad 12 kulan oo ay ciyaareen tartamada waaweyn (labo barbaro ah iyo lix guuldarro ah ), iyagoo badiyay hal mar dhammaan afartii koob ee ay ka qeyb-galeen (2010 World Cup, EURO 2016, EURO 2020, EURO 2024) waxay raadin doonaan guushoodii labaaad hal tartan markii ugu horreysay.

>-Ciyaartoyda Slovakia ee ku soo bilawday kulankii ay 1-0 ay kaga badiyeen Belgium waxay da’doodu celcelis ahaan ahayd 30 sano iyo 229 maalmood, waana da’da ugu wayneed xulalala ka qaybgalayo EURO 2014 tan iyo Italy vs Spain 2016 oo da’dooda u dhaxeysay (30 sano jir 319 maalmood ).

Saddex ciyaaryahan ayaa da’doodu ahayd 35 ama in ka badan xulka Slovakia waxayna kala ahaayeen (Dubravka, Pekarik, Kucka), markii ugu horreysay ee tartanka ay ka soo qaybgalaan ciyaartoy da’doodu tahay 35 iyo wax ka weyn waxay France 2008 oo si lamid ah ciyaareen  (Coupet, Thuram iyo Makelele).

>-Slovakia ayaa adkaatay 10 ka mid ah 14-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan (1 bar-baro iyo 3 guul daro)

>-Ivan Schranz ayaa dhaliyay goolkiisii afaraad 23 kulan oo uu u saftay xulkiisa Slovakia isaga oo dhaliyay goolka guusha kulankii Belgium ee Isniintii.

Ciyaaryahanka kaliya ee Slovakia u dhashay  ee wax ka badan hal jeer gool ka dhaliyay tartan weyn waa Robert Vittek koobkii Adduunka ee 2010 kaas oo dhalliyay (afar gool).

>-Ukrain ayaa badisay kaliya hal kulan afartii kulan ee ugu dambeeyay ay la ciyaartay Slovakia ( labo guuldarro ah iyo hal barbaro ah), waxay 1-0 ku garaaceen Sebtember sanadkii 2018 kulan ka tirsanaa UEFA Nations League.

>-Ukraine ayaa guuldarro 3-0 ah kala kulantay Romania ciyaartii furitaanka tartanka Euro 2024 waxaa looga badiyay labadii kulan ee ugu dambeeyay tartanka Euro saddex gool iyo wax ka badan (sidoo kale 4-0 waxaa kaga adkaatay England EURO 2020)

>-Ukrain ayaa ku wanaagsanayd 71.3% kubbad haysashada kulankii  ay guuldarada kala kulmeen Romania, waxayna sidaa ku noqdeen xulkii  ugu horrayay ee  haysato kubbaada wixii ka danbeeyay 1980 in ka badan 70% kubbad haynta.

>-Ukraine ayaa laga badiyay laba ka mid ah seddexdii kulan ee ugu dambeysay  kalya 1 guul ayay gaareen, inta laga badiyay 14kii kulan ee hore marka la isku daro dhammaan tartamada waa  ( 7 guuldarro ah iyo shan barbaro ah ) labadaas guuldarrana waxay yimaadeen June, waxaana laga yaabaa inay guuldarreystaan saddex kulan hal bil gudaheed markii ugu horreysay tan iyo bishii November ee 2020, markaasoo saddex kulan laga adkaaday.

Mykhailo Mudryk ayaa sameeyay 7-jeer taabashada ugu badan ee diilinta ganaaxa guddaheed isagoo labo darbo ka soo tuuray diilinta ganaaxa guddaheed wuxuu sameeyay gambis saddex jeer ah isagoo ku guuleysatay inuu kubbadda ka reebo 9-jeer xiddigaha Romania, wuxuu karoos sameeyay 6 jeer iyo wxuuxna cadaadis saaray 52-mar xiddigaha Romania kulankii ay kala kulmeen guuldarrada.

Safka macquulka ah ee ku soo bilaaban karo Slovakia:

Dubravka; Pekarik, Vavro, Skriniar, Hancko; Kucka, Lobotka, Duda; Schranz, Haraslin, Bozenik

Safka macquulka ah ee ku soo bilaaban karo Ukraine:

Lunin; Konoplya, Zabarnyi, Matvienko, Zincheko; Sudakov, Stepanenko, Malinovskyi; Tsygankov, Mudryk, Dovbyk

Ogeysiiska ciyaarta:

Taariikhda ciyaarta Jimco 21-ka Juun 2024

Garsooraha kulanka waa Michael Oliver oo u dhashay  (England)

Garoonka lagu ciyaarayo waa (Merkur Spiel-Arena)

Waqtiga 4:00 Pm galabnimo xilliga magaalada Muqdisho.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button