WARARKA MAANTA

Horudhac: Czech Republic & Georgia labad dhinac ayaa u baahan guul Euro 2024..?

Czech Republic iyo Georgia ayaa wada ciyaari doona kulankoooda labaad ee Group F iyagoo og inay ku qasban yihiin inay badiyaan ama ay halis ugu jiraan iney isaga haraan Euro 2024.

Labada xul ayaa guuldarro kala kulmay kulamadii furitaanka Group-yada iyadoo Czech Republic laga dhaliyay gool  xilli dambe oo ay 2-1 kaga adkaadeen xulka Portugal halka Georgia ay 3-1 guuldarro ah kala kulmeyn Turkiga.

Wararka labada xul:

Kaddib qaab ciyaareed cajiib ahaa ay soo bandhigeen Georgia inkastoo ay guuldaro kala kulmeen Turkey, tababare Willy Sagnol ayay u badantahay inuusan wax badan ka badalin shaxda Georgia kulanka galabta.

Dhanka xulka Czech Republic ayaa haysto saf dhammaystiran mana qabaan walaac ku saabsan dhaawacyo iyadoo la filayo iney ku soo bilowdaan safkii la ciyaaray xulka Purtogal.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:

Waa kulankii ugu horreeyay ee dhexmara Georgia iyo Czech Republic.

Mikautadze ayaa dhalliyay goolkii ugu horreeyay ee Georgia tartanka Uero 2024  kulankii ay la ciyaareen Turkiga.

Czech Republic ayaa laga badiyay 7 ka mid ah 12-kii kulan ee ugu dambeeyay heerka guruubyada tartanka Euro (kaliya waxay gaareen 3 guul iyo 2 barbaro ah ) Lagama badin labadii kulan ee furitaanka tan iyo sanadkii  2000 oo ay wajaheen Netherland iyo France.

Patrik Schick ayaa kala mid ah Milan Baros oo dhalliyay shan gool  sanadkii 2004 isagoo ah gooldhaliyaha ugu sareeya Czech Republic  tartanka Euro, Schick ayaa dhalliyay shan ka mid ah wadarta guud lixdii gool ay dhalliyeen Czech Republic tartanka qaramada Yurub.

Goolhayaha Czech Jindrich Stanek ayaa sameeyay 7 badbaadin kulankii Portugal, waana goolhayihii ugu horreeyay ee sameeyay badbaadin intaa la eg  kulanka furitaanka wareega Group-yada Euro 2024.

Safka suurtagalka ah ee ku soo bilaaban karo Georgia:

Mamardashvili; Dvali, Kashia, Kverkvelia; Kakabadze, Kochorashvili, Mekvabishvili, Chakvetadze, Tsitaishvili; Kvaratskhelia, Mikautadze

Safka macquulka ah ee ku soo bilaaban Czech Republic

Stanek; Godad, Hranac, Krejci; Soucek, Coufal, Barak, Provod, Doudera; Chytil, Shick

Ogeysiiska ciyaarta:

Taariikhda ciyaarta Sabti 22-ka Juun 2024

Garsooraha kulanka waa Daniel Siebert oo u dhashay (Germany)

Garoonka lagu ciyaarayo waa (Volksparkstadion)

Waqtiga 4:00 Pm galabnimo xilliga magaalada Muqdisho.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button