Premier LeagueWararkaWARARKA MAANTA

Horudhac Euro 2024: Belgium vs Romania – Guuldarro soo gaarta Belgium waa taariikh madow oo u qormeysa!

Macallinka Belgium ee Domenico Tedesco ayaa sheegay in xulkiisu uu ka fikirayo inay guul gaaraan ka hor kulanka muhiimka ah ee ay caawa oo Sabti ah la ciyaari doonaan Romania.

Xulka Tababare Tedesco ayaa guuldarro lama filaan 1-0 ah kala kulantay dhiggooda Slovakia kulankoodii furitaanka ee Group E Isniintii la soo dhaafay.

Guuldarro ka soo gaarta Romania kulanka ka dhacaya caawa Cologne ayaan meesha ka saari doonin gabi ahaanba xulka Belgium, laakiin waxa ay dhabar jab weyn ku noqon doontaa fursaddooda ay ugu soo bixi karaan wareegga 16-ka ee tartankan.

In kasta oo ay qalabaysan yihiin xiddigo waa weyn oo ay ka mid yihiin Kevin de Bruyne, Leandro Trossard iyo Romelu Lukaku, haddana xulka Belgium ayaa ku dhibtooday tartamadii waa weyn ee ugu dambeeyay, waxaana lagu reebay wareegga guruubyada ee koobkii Adduunka 2022.

Waxaa sidoo kale xulka Belgium lagu reebay wareegga siddeed dhammaadka labadii EURO ee la soo dhaafay.

Macallinka xulka Belgium ayaa sheegay in guuldarradii ka soo gaartay Slovakia aysan maankooda waxaba ka beddelin, isla markaana ay ka firiayaan inay guuleystaan kulanka caawa.

Waxaa kale oo uu sheegay in Weeraryahankiisa Lukaku uu wax badan sameyn karo.

Lukaku oo dalkiisa u dhaliyey 85 gool ayaa lagu dhaleeceeyey inuu qaab ciyaareed liidata soo bandhigay kulankii xulkiisa Belgium uu guuldarrada kala kulamay Slovakia.

Sidoo kale waxa uu Lukaku dhaliyey kulankaas labo gool oo markii dambe meesha laga saaray.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Kulanka: Xulalka Belgium vs Romania.

Tartanka: EURO 2024.

Taariikhda: 22 June 2024.

Saacadda: 10:00 Habeenimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Cologne Stadium.

Garsooraha ciyaarta: Szymon Marciniak (Poland)

Wararka labada kooxood:-

Xulka Belgium waxaa ka maqnaan doona daafacooda Axel Witsel, kaasoo uu ku soo laabtay isla dhaawacii uu ku seegay kulankii furitaanka.

Weli si buuxda xulka Belgium uma shaacin nooca dhaawaca Witsel iyo inta uu garoomada kaga maqnaan doono.

Yeelkeede, waxaa jira war kaas ka duwan oo sheegaya in Witsel uu soo kabsaday uuna diyaar u yahay kulanka caawa.

Kaddib guuldarradii naxdinta lahayd ee ka soo gaartay Slovakia, xiddigaha Maxim De Cuyper, Lois Openda iyo Axel Witsel ayaa laga yaabaa inay kulankan ku soo bilowdaan safka hore.

Dhinaca kale xulka Romania ayaan ka cabanynin wax dhaawac ah, waxaana ay haystaan saf caafimaad qaba oo taam ah kulankooda caawa ay wajahayaan Belgium.

Romania oo rajeynaya inay dib u soo celiso guusheedii furitaanka ee cajiibka ahayd:-

Waxa ay Romania doonayaan inay ku celiyaan guushoodii cajiibka ahayd ee ay ku furteen koobka qarammada Yurub ee EURO 2024, marka ay caawa wajahayaan dhiggooda Belgium.

Xulka Romania ayaa u soo bixi doona wareegga 16-ka koobka qarammada Yurub haddii ay guul ka gaaraan Belgium kulanka caawa ka dhacaya Cologne.

Kulankoodii ugu dambeeyay Romania waxa ay 3-0 kaga badiyeen Ukraine.

Belgium ayaa kaalinta 3-aad kaga jira qiimeynta Xulalka Adduunka ee FIFA , waxaana si weyn loo filayaa inay garaacaan xulka ka soo horjeeda oo ku jira kaalinta 47-aad ee qiimeynta FIFA.

Laakiin taasi kama hor itaagayso daafaca Tottenham ee Radu Dragusin inuu garab istaago xulkiisa Romana, isla markaana ay gaaraan guushoodii labaad oo xiriir ah tartankan una soo gudbaan wareegga 16-ka EURO 2024.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

-> Kani waa kulankii 13-aad oo ay abid wada ciyaarayaan xulalka Belgium iyo Romania.

-> Labada xul ayaa badiyey shan ka mid ah 12-kii kulan ee ay horay kulmeen, halka labada kulan ee kale ay barbaro galeen, inkastoo aysan wada ciyaarin tan iyo sanadkii 2012.

-> Guuldarradii xulka Belgium ka soo gaartay Slovakia ayaa timid markii ugu horreysay ee uu hoggaamiyo Macallin Domenico Tedesco.

-> Xulka Belgium lagama badin labadiisa kulan ee furitaanka Guruubyada tartan weyn tan iyo Koobka Adduunka ee ugu horreeyey sanadkii 1930.

-> Romelu Lukaku ayaa lix gool ka dhaliyay 11 kulan oo uu ciyaaray koobka qaramada Yurub – mana jiro ciyaaryahan kale oo Belgium ah oo laba gool ka badan ka dhaliyey tartanka EURO.

-> Xulka Romania ayaa ku haray heerka guruubyada afar ka mid ah shantii tartankan ee ay ciyaareen koobka qaramada Yurub.

Shaxda macquulka ah oo ay ku soo geli karaan labada xul:-

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button