WARARKA MAANTA

Horudhac: Belgium & Ukraine warggii ugu dambeeyay Euro 2024..?

Belgium-ka ayaa u soo bixi karo wareegga 16-ka ee Euro 2024, haddii ay ka adkaadaan Ukraine caawa fiidkii.

Group E ayaa ah mid aad u adag waxaana dhammaan afarta  xul ay wada leeyihiin min saddex dhibcood ka hor wareegii ugu dambeeyay ee kulamada caawa.

Belgium-ka haddii ay iska ilaaliyaan guuldarro, waxay ka mid ahaan doonaan labada xul ee ugu sareysa Group E iyagoo ku baxsan karo  farqiga goolasha.

Belgium-ka ayaa guuldarro 1-0 ah kala kulmay Slovakia kulankoodii furitaanka, laakiin waxay kaga jawaabeen 2-0 ay kaga adkaadeen Romania.

Ukrain ayaa soo bixi doonta wareegga labaad ee Euro hadii ay garaacaan  Belgium-ka, laakiin addii ay barbaro galaan, waxay ku xirnaan doonaan kulanka kale ee u dhexeeya Slovakia iyo Romania si ay u ogaadaan u soo bixitaankooda Euro 2024.

Ukraine ayaa guuldaro 3-0 ah kala kulantay Romania kulankoodii ugu horreeyay, laakiin waxay guul soo laabasho ah ka gaareen Slovakia kaddib markii ay 2-1 kaga adkaadeen.

Waxaan u baahanahay inaan muujino ciyaartii kulankii Slovakia, ayuu yiri tababaraha Ukraine Serhiy Rebrov.

Wararka labada xul:

Daafaca bidix ee Everton Vitaliy Mykolenko ayaa laga yaabaa inuu ciyaaro daqiiqadihiisa ugu horreeya Euro 2024 isagoo ku jiro soo kabsasho dhaawac canqowga ka soo gaaray ciyaar saaxiibtinimo ay la ciyaareen xulka Moldova bishan June.

Ukraine ayay u badan tahay iney goosha ku aaminaan Anatoliy Trubin goolhayahan ayaa ku soo bilowday kulankii ugu dmabeeyay, isagoo u muuqda mid booska kala baxay goolhayaha Real Madrid Andriy Lunin kaas oo keydka la dhigay kaddib guuldaradii furitaanka xulkiisa soo gaartay.

Dhanka Belgium,waxaa shaki laga galinayaa xiddigaha kala ah Axel Witsel iyo Thomas Meunier inay ciyaari karaan kulanka caawa

Waxaa sidoo kale Belgium-ka ganaax ku seegayo kulankan Dodi Lukebakio kaddib markii uu qaatay labo jaale labadii kulan ee u dambeysay.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:

Belgium & Ukraine hore uma kulmin, hadday noqoto ciyaar saaxiibtinimo iyo mid tartan wayn ah waana markii ugu horreysay ay kulmayaan labadan xul.

Belgium ayaan laga adkaanin 22-kii kulan ee ugu dambeeyay ay wajahaan xul ay la ciyaarayaan markoodii ugu horreysay (13 guul iyo 9 bar-baro), guuldaradii ugu dambaysay ee ka soo gaarto waxay ahay 1-0 ay kala kulmeyn Masar sanadkii 1999kii.

Afartii guul ee Ukraine ka gaartay koobka qaramada Yurub dhammaantood ayaa ku dhammaaday natiijo iskumid ah 2-1.

Ukraine waxay ku guuldareysteen inay shabaqa ilaashadaan dhammaan 13-kii kulan  ay ciyaareen Euro, ma jiro xul kale oo ciyaaray in ka badan shan kulan iyadoo ugu yaraan hal kulan shabaqooda ilaashaday.

Belgium lagama adkaan kulankoodii ugu dambeeyay ee group-yada mid kasta oo ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay ay ciyaareen tartan weyn ( shan mar ayay guuleysteen hal marna barbaro ayay galeen) tan iyo guuldaradii 2-0 ahay ee ka soo gaartay Turkiga iyagoo martigelinaya Euro sanadkii 2000.

Waxa ay adkaadeen lix ka mid ah todobadii kulan ee ugu danbeysay heerka guruubyada Euro, iyadoo kaliya guuldarro ka soo gaartay Slovakia tartankan.

Romelu Lukaku ayaa noqon kara ciyaaryahankii ugu horreeyay ee gool u dhaliya Belgium shan tartan oo kala duwan, waxaa si lamid ah la wadaago xiddigaha kala ah Jan Ceulemans iyo Kevin de Bruyne.

Ukraine: safka ku soo bilaaban karo:

Trubin; Tymchyk, Zabarnyi, Matvienko, Mykolenko; Sudakov, Zinchenko, Shaparenko; Yarmolenko, Dovbyk, Mudryk safka

Belgium: Safka ku soo bilaaban karo:

Casteels; Castagne, Faes, Vertonghen, Theate; Tielemans, Onana; Doku, De Bruyne, Trossard; Lukaku

Ogeysiiska ciyaarta:

Taariikhda ciyaarta Isniin  26-ka Juun 2024

Garsooraha kulanka waa Anthony Taylor oo dhashay (England)

Garoonka lagu ciyaarayo waa (MHPArena)

Waqtiga 7:00 Pm fiidnimo xilliga magaalada Muqdisho.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button